Maxaan ka naqaan Jabhadda laga soo sheegay Balligubadle

Wednesday August 28, 2024 - 07:58:42
hadhwanaag
Haddaba maxay tahay Jabhaddan, maxaana keenay inay dagaallanto?

Jabhadda


Degmada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland oo qiyaastii magaalada Hargaysa 65KM koofurta kaga beegan, una dhow xuduudda Itoobiya ayaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyey deminta xiisad ka dhalatay isku dhac dhex maray Jabhad beeleed halkaa laga sameeyey iyo ciidanka amniga ee Somaliland.

 

Xiisaddan oo isa soo taraysay ayaa markii dambe isku beddeshay gacan ka hadal dhex maray labada dhinac, kaasoo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Dad badan ma ogsoonayn inay jirto Jabhad hubaysan oo saldhig ku leh masaafo aan ka fogayn Hargaysa.

 

Haddaba maxay tahay Jabhaddan, maxaana keenay inay dagaallanto?

 

Sida uu BBC u sheegay Iid Jiciir Aw-Axmed oo deegaanka ka soo jeeda, kana mid ahaa xubnihii SNM, xog ogaalna u ah sidii ay jabhaddan ku bilaabatay ayaa sheegay in jabhaddan aysan ahayn mid si ku talagal loo aasaasay, "Balse waa mid ku timid rabitaanka shacabka deegaanka Balligubadle oo tirsanayey cadaalad darro dhanka baarlamaanka iyo doorashooyinka ah” ayuu yiri, isagoo xaqiijiyey in ay jabhaddu saluugsan tahay qaabka saami qaybsiga siyaasadeed.

 

"Markii la dhagaysan waayey ayaa rag dhallinyaro ah oo deegaanka ka soo jeeda ay hubka qaadeen, ayagoo diiddanaa sida wax loo wado” ayuu sii raaciyey.

 

Qiyaasta tirada raggaas ayuu sheegay inuusan ogeyn, balse ay u badan yihiin rag ka soo jeeda beesha degta Balligubadle, isagoo markaa iska ilaalinayey in uu tiro khaldan bixiyo, wuxuuse intaa ku daray in jabhaddu ay samaysantay muddo qiyaastii aan bil iyo bar ka badnayn.

 

Iid oo ka mid ah dadka deegaan ahaan loo tiriyo jabhadaas laakinse aan xubin ka ahayn wuxuu BBC u xaqiijiyey xog markii horeba soo gaartay oo ah in jabhadaas ay diiddan tahay doorashooyinka isku sidkan ee lagu wado inay dhacaan bisha Nofembar.

 

"Tabasho iyo cadaalad darro weli halkeedii taagan oo aan la xallin ayey jabhaddu ka aasaasantay, taasoo ah mid ay qabaan reerka reer Balligubadle. Somaliland waxay ku aasaantay saami qaybsiga beelaha, markii loo gudbay dimoqaraadiyadda waxaa yimid xeerar wada qabyo ah oo kan baarlamaanku ka mid yahay oo dadku aysan kuraasta isku si ugu soo baxayn. Bil matal, waxaa jira laba xildhibaan oo midna uu ku dhacayo 5,500 oo cod, midna uu ku soo baxayo 800 oo cod, waana wax qof u fiirsaday mooyee uusan qof kale garan karin, waxayna arrimahaas ka mid yihiin arrimaha tabashada ee beeshan ay qabto” ayuu yiri Iid Jiciir.

 

Wuxuu meesha ka saaray inay jiraan rag dano siyaasadeed leh oo ku ‘awr-kacsanaya’ jabhadda. Wuxuu kaloo meesha ka saaray in ay jiraan dhaqaale meelo kale ka soo gala. "Wax gaar ah oo ay helaan ma jiraan, waxayna dadka deegaanka la wadaagaan wixii manfac ah” ayuu sii raaciyey Iid Jiciir.

 

Wuxuu kaloo BBC u sheegay in aqlabiyadda ay hadda qaadatay in aan xoog wax lagu raadin ee "nabadda fursad la siiyo”.

 

Xukuumadda Somaliland kama aysan hadlin jiritaanka Jabhaddan ka aasaasantay Balligubadle, Laakinse wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in la damiyey colaadda oo ay ku baxeen isaga iyo rag kale, wixii harayna si nabad ah lagu dhamayn doono.

 

Suldaan Abshir Cabdi Boodhle oo loo tiriyo inuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka ee taageera jabhaddan ayaa isna meel fagaare ah ka sheegay "reerkii aan wax u doonnay ee aan wax ugu maqnayn halkaasey maanta ku dhan yihiin, waxaannu qaadannay wax allaale wixii ay qaateen, sababtoo ah wax noo hooseeya ma jiro” ayadoo dulucda hadalkiisu ahaa in jabhaddu ay ku go’aan tahay beesha Balli gubadle ay qaateen.

 

Laakinse Su’aasha aan weli kala caddayn ayaa ah halka uu ku dambayn doono jiritaanka jabhaddan.

 

Bishii Luulyo ee sannadkii hore ee 2023 ayaa ciidan beeleedyo gadoodsan waxay isku uruursadeen deegaanka buurta Gacan Libaax, kuwaasoo tabashoodu muddo soctay, ayadoo markii dambena la xalliyey, lagana kaxeeyey halkaas.

bbc/somali
     
Loading...