Maxaan ka naqaannaa xabsiga lagu xiray Abiib, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiyiini kale?

Wednesday October 02, 2024 - 10:30:16
hadhwanaagnews
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa xilligaas u soo jeedisay..

Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Abib iyo Maxamed Faraax Caydiid


Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa laga sii daayay xabsiga Mandheera kadib muddo dhowr toddobaad ah oo uu halkaas ku xirnaa.

 

Xildhibaan Abiib ayaa muddo 28 maalmood ah ku xirnaa xabsiga Mandheera ee ku yaalla Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

 

Xildhibaanka ayaa la xiray labadii bisha September ee sanadkaan, xilli uu ka soo dagay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, laguna xiray xabsiga magaalada Mandheera.

 

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa xilligaas u soo jeedisay eedeymo ay ka mid ahaayeen "Qaran dumisnimo iyo in uu sumcad dil u geystay ciidamada Somaliland".

 

Haddaba maxaan ka naqaannaa xabsiga Mandheera ee lagu xiray Abiib, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiyiini kale?

Xabsiga Mandheera

 

Waa xabsi fac weyn oo ilaa berigii kacaanka iyo kasii horeba dadka lagu xiri jiray.

 

Waxaa la dhisay kun sagaal boqol iyo afartameeyadii, waxaa dhisay gumeysigii Ingiriiska. Sabata loo dhisayna waxay ahayd in lagu xiro maxaabiista siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqyada gobbanimodoonka, gaar ahaan kuwii ka jiray Burco. Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan taariikhda uruuriya.

 

"Xabsiga Mandheera waa meel geeri go’an ah, oo aan si sahal ah looga fakan karin xilligaas, mana lahan jihooyin qardajeex ah, oo laga aado magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Sheekh. Qofku wuxuu ku qasbanaa inuu jidka weyn qaado, taas oo sahli jirtay in qofkii halkaas ka fakada in laga soo qabto jidka weyn.”

 

Wuxuu u dhisan yahay qaab xero militari, oo ah sidii loo dhisi jiray xabsiyada dagaalkii labaad.

 

Wuxuu xabsiyada kale uga duwanaa inuu ahaa mid go’doonsan. Wuxuu ahaa xabsiga keliya ee gumeysigu ka dhisay dalka ee aan magaalo ku dhex oollin.

 

Yaa ka mid ahaa dadkii caanka ahaa ee xabsigan soo maray?

 

Inta la xusuusto xilligii gumeysiga dadkii lagu xiray waxaa ugu caansanaa Maxamuud Uurdoox, halgamaagii xorriyadda waqooyi.

 

Xilligii dowladdii militariga ahaydna waxaa ugu caansanaa dadkii lagu xiray Maxamed Faarax Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo abwaankii weynaa ee Cali Banfas.

 

"Xilligaan dambe ee xabsiga ay maamusho Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxa-bannaanida ee Somaliland dadka lagu xiray waxaa ugu caansanaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi,.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ee imika ayaa isagana lagu xidhay 2001-dii, Wakhtigaas oo uu Madaxweyne ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ahaa Mucaarad si weyn uga soo horjeeday Xukuumaddii Cigaal ayaa lagu eedeeyey, isaga oo wakhtigaas Hargeysa ka soo degay in shirar ka dhan ah Qaranimada Somaliland uu ku soo galay dalal dibedda ah.

 

⁠Wax muhiimad ah oo weyn uma lahayn dowladdii rayidka ee beddeshay tii gumeysiga, waayo ma jirin maxaabiis siyaasadeed. Muhiimad weyn ayuu u yeeshay taliskii militariga, waayo wuxuu noqday meel ay isaga fogeeyaan maxaabiista siyaasadeed.

 

Waxaa lagu xiray maxaabiis ka tirsaneyd jabhadda SNM. Sidaas awgeed, SNM ayaa weerartay oo jebisay laba jeer: markii koowaad, bishii January ee sannadkii 1983 ayay ahayd, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis gaareysa 744 maxbuus.

 

Markii labaad ee ay jebiyeen xabsiga waxay ahayd bishii May 1988, halkaas oo ay ku dileen taliyihii xabsiga, kuna sii daayeen 664 maxbuus.

 

Dadkan dambe ee la sii daayey waxaa ku jiray Duqii hore ee Magaalada Hargeysa Barre Laangadhe iyo maxaabiis ku xirnaa jabhadda WSLF.

bbc/somali

     
Loading...