Wasiir ku xagee ka Wasaaradda h malgaashiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Maxamed Cilmi Huuno, ayaa noqday astaan muuqata oo lagu majeerto marka laga hadlayo doorka xukuumaddu ka qaadatay dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta gobollada bariga, gaar ahaan Ceel Afweyn.
Mudane Maxamed Cilmi Huuno ayaa si hagar la’aan ah uga qayb qaatay dedaallada nabadeynta deegaanka Ceel Afweyn, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta ugu firfircoon ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku garab istaagay xal u helista khilaafaadka deegaankaas muddooyinka u dambeeyey hareeyey.
Wasiirku waxa uu hore iyo hadda-ba lagu xasuustaa waxqabad muuqda oo uu u qabtay deegaanka uu matalo, isagoo noqday masuul mar kasta u taagan danta shacabka iyo horumarka dalka. Waxa uu si dhab ah uga shaqeeyey sidii uu deegaankiisa ugu keeni lahaa adeegyo la taaban karo, taasoo muujinaysa kartidiisa iyo himiladiisa shaqo.
Intii lagu jiray labada bilood ee u dambeeyey, Eng. Huuno waxa uu si toos ah ugu mashquulsanaa howlaha qarameynta gobollada bari iyo ka miro-dhalinta dedaallada nabadeed ee laga hirgeliyey Ceel Afweyn. Wuxuu qaaday talaabooyin cadcad, isagoo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii xal waara looga gaadhi lahaa arrimahaas, waxaana lagu amaanay doorkiisii hoggaamineed ee midho dhalka ahaa.
Wasiir Maxamed Cilmi Huuno waxa uu tusaale u yahay mas’uul u heellan horumarka bulshada iyo nabadda dalka. Dadka deegaanka uu matalo waxay ku bogaadiyeen kaalintiisa firfircoon ee uu ku kasbaday kalsoonida shacabka iyo tan xukuumadda.
Ugu dambeyn, Eng. Huuno wuxuu muujiyey in hoggaan daacad ah, hufan, oo xilkas ahi uu horseedi karo isbeddel muuqda, nabad waarta iyo horumar la taaban karo. Waa mas’uul mudan in la bogaadiyo oo lagu daydo.