Taliyaha Ciidanka Waddooyinka JSL oo faahfaahiyay Hawlgal ay ku baadi-goobayaan Booyad nin ku jiiday Deegaanka Carro-yaanbo

Monday July 14, 2025 - 14:06:54
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi"waxan halkan u joognaa shilkaasi ka dhacay Gabiley...


Ciidanka ilaalada nabadgelyadda waddooyinka Somaliland ayaa ku raad-jooga Booyad xalay ku jiidhay jidka u dhexeeya Arabsiyo iyo Abaarso Marxuum Sayid Cali Cumar Muxumed, baadhitaanka ciidanka

 nabadgelyadda waddooyinka ayaa ka bilaabmay Kaantaroolka Caabud’la, waxa hakad la geliyay dhammaan Booyadihii biyaha e jidkaasi adeegsanayay, wixii ka danbeeyay markii shilku dhacay.

Taliyaha ciidanka nabadgelyadda waddooyinka Somaliland Maxamed Gaashaanle dhexe Cige Ci’dheere ayaa faahfaahiyay shilkaasi sida uu u dhacay iyo hawlgalkan ay samaynayaan halka uu marayo.

Waxaanu yidhi"waxan halkan u joognaa shilkaasi ka dhacay Gabiley iyo Abaarso dhexdeeda, shilkaasi gaadhi baa sababay, Baabruuta intii aan ka shakinay iyo intii aanu wax ku aragnayba waanu haynaa, Marxuumka dhintay waa la aqoonsaday, waa nin reer Arabsiyo ah".

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa fariin u diray dhammaan wadayaasha gaadiidka oo uu uga digay inay sharciga khilaafaan

Waxaanu yidhi "Dirawaliinta waxan uga digaynaa inay ilaaliyaan sharciga, cid kasta oo sharciga khilaaftana tallaabada ugu habboon baa laga qaadi doonaa”.
     
Loading...