Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kaah, ayaa shalay shir ka yeeshay doorkooda mucaaridnimo, xaaladda guud ee dalka iyo hawlaha Xisbiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa. Kulankaasi ayaa ahaa mid ku salaysan wadatashi iyo is xogwaraysi, kaas oo ay ka soo qayb galeen inta badan hoggaanka xisbiga iyo masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga Kaah.
Shirka Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kaah oo ka qabsoomay Xarunta guud ee Xisbiga ee Hargeysa, waxaa kulanka ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubhaha hoggaanka Xisbiga Kaah, sida lagu sheegay war kooban oo lagu baahiyay barta internetka ee xisbiga Kaah.
Kulanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kaah oo saxaafadu dibed joog ka ahayd, ayay warka laga helayaa waxa ay intaa ku darayaan in masuuliyiinta Xisbigu iska waraysteen doorkooda Mcaaridnimo iyo waxyaabaha la gudboon, xaaladda guud ee dalka iyo u diyaar garawga arrimaha doorashooyinka.