Dadka reer Poland oo u diyaar garoobaya duulaanka Ruushka kaga yimaada

Tuesday May 06, 2025 - 13:22:33
hadhwanaagnews
Dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, waalid iyo carruur, dhammaantood...



Dalka Poland oo deris la ah Ruushka waxay xilligan dareemayaan Khatar, waxay ka cabsi qabaan in ay ku dhacdo sidii ku dhacday Ukraine. Werwerka xooga lihi wuxuu bilowday intii uu hogaanka Maraykanka uu yimi Trump. Xero ciidamada lagu tababaro ayey dadku safaf dhaadheer ku jiraan tababar, kuwaa oo sugaya in qoriga loo dhiibo, lana baro sida loo toogto.

 

Dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, waalid iyo carruur, dhammaantood waxay halkan u yimaadeen hal sabab: inay bartaan sida looga badbaado weerar hubaysan. Sidaas oo kale safafka ayey ugu jiraan barashada toogashada, iyada oo is barbar taagan. Barnaamijkan waxa oo loogu magac daray "Tababarka Ciidanka ee barashada Hubka”, waxa sidoo kale lagu baraa dadka rayidka ah difaaca naftaada, gargaarka degdegga ah iyo sida loo xidho qalabka difaaca gaaska.

 

"Waqtigu hadda waa khatar, waxaan u baahanahay inaan diyaar noqono,” ayuu yidhi isku-duwaha mashruuca, Captain Adam Sielicki. "Waxaan khatar ugu jiraa hanjaabaadaha Ruushka, waana arrinta aan isu diyaarinayno.”

 

Capt Sielicki ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid si xad dhaaf ah laysu diiwaan geliyay, dowladda Polandna ay hadda wado qorshayaal ay ku ballaadhineyso in qof kasta oo qaangaar ah oo dalka ku nool uu u helo tababar. Poland, oo xuduud la wadaagtaa Ruushka iyo Ukraine, ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​boqolkiiba 5% GDP ay ku qarash gareyn doonto difaaca sanadkan, taas oo ah tan ugu sareysa Nato.

 

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaare Donald Tusk ayaa sheegay in Poland ay hiigsaneyso inay dhisto "ciidanka ugu xooggan gobolka”. Warsaw waxa ay ku jirtay kharashka, iibsashada diyaarado, maraakiib, hababka madaafiicda iyo gantaalaha Maraykanka, Sweden iyo Kuuriyada Koonfureed, iyo kuwo kale.

 

Dariusz waa mid ka mid ah kuwa ka qaybgalaya koorsada, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee u diyaar ah haddii Poland la weeraro. "Taariikhdu waxay ina bartay inaan u diyaargarowno sidii aanu isu-difaaci lahayn, cid kale kuma tiirsanaan karno, waxa maanta joogaa berry way burburi karaan.”

 

Doorashadii Donald Trump waxay dadka reer Poland ku abuurtay walaac badan. Waxay aaminsan yihiin inuu ka baxay isbahaysigii Yurub, taasi waa sababta a u werwerayaan. Agata oo gabadh ka qayb gelaysa tababarka waxay tidhi "Haddii aanan diyaar garoobin waxaan si fudud u noqon doonnaa maxaabiista Ruushka.”

 

Hadallada Donald Trump iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa walaac xooggan ku abuuray mas’uuliyiinta magaalada Warsaw. Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay caasimadda Poland bishii Febraayo, xoghayaha difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Yurub aanay u qaadan in joogitaanka ciidamada Maraykanka ee qaaradda "ay weligood joogi doonaan”.

 

Maraykanka ayaa hadda 10,000 oo askari ka jooga dalka Poland, balse Washington ayaa bishii hore ku dhawaaqday inay ka baxayso saldhig milatari oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Rzeszow ee bariga Poland. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada dib loogu daabuli doono gudaha Poland, balse talaabadan ayaa khalkhal galisay dalkaasi.

 

Cadaawadda muuqata ee Donald Trump uu u qabo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, iyo hadalo diiran oo uu ku qaabilay Ruushka Vladimir Putin, ayaa walaac sii kordhiyay.

 

Poland ayaa lagu wadaa inay heshiis dhanka difaaca ah la saxeexato Faransiiska maalmaha soo socda, heshiis kale oo ay la gasho UK ayaa la filayaa. Waxa kale oo jirta in Poland la hoos keeno "dallada Nukliyeerka” ee militariga Faransiiska.

 

"Waxay ila tahay in Trump uu si dhab ah noogu cadaadiyay inaan si hal abuur leh uga fikirno amnigeena,” ayuu yidhi Tomasz Szatkowski, wakiilka joogtada ah ee Poland ee Nato iyo la taliyaha madaxweynaha ee difaaca. Waa inaadan isku hallayn karin Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan ka fikirnaa doorashooyin kale oo aan horumarinno awooddeena.”

 

"Haddii ay Ruushku sii wadaan damacooda gardarrada ah ee ku wajahan Yurub, waxaan noqon doonnaa kuwa ugu horreeya ee ilaaliya albaabada laga soo galo,” ayuu yidhi Szatkowski.

 

Dhaxalka xanuunka badan ee qabsashadii Ruushka ayaa laga dareemi karaa meel kasta halkan. Markii ugu dambeysay ee ciidamada Ruushku ay soo galeen Poland waxay ahayd 1939-kii, markaas oo heshiis dhexmaray Stalin iyo Hitler uu sababay in Poland la dhex dhigo USSR iyo Nazi Germany.

 

Hadda, ku dhawaad ​​216,000 oo ragga iyo haween ah ayuu ka kooban ciidamada qalabka sida ee Poland. Dawladdu waxay sheegtay inay ku talo jirto inay gaadhsiiso nus milyan, oo ay ku jiraan kuwa kaydka ah – taas oo siin doonta ciidanka labaad ee ugu weyn Nato marka laga reebo Maraykanka.

     
Loading...