Sheekada Qofka Keliya ee Ka Badbaaday Diyaaraddii Burburtay ee Air India

Friday June 13, 2025 - 14:19:11
hadhwanaagnews
"30 ilbidhiqsi kadib markii ay diyaaradu kacday waxaan....

Qofna ma filan karayn in qof uu ka badbaado burburkii diyaarada Air India, ee shalay sida xun ugu dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, balse wax yar kadib waxaa goobta shilka kasoo baxay nin xidhan dhar dhiig leh, oo ka soo baxay halka ay diyaaraddu ku burburtay.

Ninkan oo lagu magacaabo Vishwash Kumar Ramesh, isla markaana ah muwaadin British ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, ayaa noqday qofka keliya ee ka badbaaday 242 rakaab oo saarnaa diyaarada, iyadoo 241 qof ay ku dhinteen shilkaas.

"30 ilbidhiqsi kadib markii ay diyaaradu kacday waxaan maqalnay dhawaaq culus, kadibna diyaaraddii way burburtay.
Wax walba si degdeg ah ayay u dhaceen," ayuu Ramesh ku yidhi waraysi laga qaaday isagoo ku jira cisbitaal lagu daweynayo.

Wuxuu sheegay inuu booqasho ugu yimid qoyskiisa oo ku nool dalka Hindiya, kadibna uu dib ugu noqonayay London markii diyaaradu burburtay, walaalkii ayaana safarka ku weheliyay.

Ramesh ma ogeyn wakhtigii waraysiga la qaaday haddii walaalkii uu ka badbaaday shilka, hase yeeshee Air India ayaa markii danbe xaqiijisay in 241 qof ay dhinteen, isaga oo noqday qofka keliya ee ka badbaaday.
Dhinaca kale, Ajay Valgani oo ay ilmaadeer yihiin Ramesh ayaa warbaahinta Ingiriiska u sheegay in Ramesh uu la soo hadlay qoyskiisa isla markaana uu u sheegay inuu badqabo, islamarkaana uu aad uga murugooday geerida walaalkii iyo dadka kale ee ku nafwaayay shilka.

"Wuxuu lahaa dhiig yar markii sawirradiisa la arkayay, balse dhaawac culus ma uu qabin, xaaladdiisuna aad bay u deggan tahay,” ayuu yidhi Dr. Rajnish Patel, oo ah madaxa qalliinka ee Isbitaalka Rayidka ee Ahmedabad, isaga oo intaa ku daray in uu cisbitaalka ka bixi karo laba maalmood kadib.

Warbaahinta Hindiya ayaa baahisay sawirka tigidhkii uu ku raacay Ramesh, kaas oo muujinaya inuu fadhiyay kursiga 11A – kaas oo ah kursi ku dhow albaabka bixitaanka degdegga ah, kuna yaalla meel u dhow baalka bidix ee diyaarada.

Ramesh ayaa la sheegay inuu ka booday albaabka degdegga ah xilli ay diyaaradu dhacaysay, taas oo qayb weyn ka qaadatay badbaadadiisa.

Falanqeeyaha amniga duulista ee CNN, David Soucie, ayaa ku tilmaamay badbaadada Ramesh wax lala yaabo, maadaama uu fadhiyay meel aad ugu dhow baalka diyaarada, taas oo ahayd halkii diyaaradu si xoogan dhulka ugu dhacday.

Shivani Raja, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa badbaadada Ramesh ku tilmaantay mucjiso.

Waxaaney tidhi"Waa mucjiso waxaan la hadlay qoyska Ramesh, waana ixtiraamaynaa xogtooda gaarka ah xilligan adag,”

In ka badan 290 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen burburka diyaarada, oo ay ku jiraan arday iyo dad rayid ah, maadaama ay diyaaraddu ku dhacday iskuul iyo goobo la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Ahmedabad ee gobolka Gujarat ee dalka Hindiya.
Diyaaradda burburtay oo u kala socotay Ahmedabad iyo London, ayaa ahayd nooca Boeing 787-8 Dreamliner.
Waxaa hadda socda baadhitaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababta keentay shilkaas.
     
Loading...