Maxay Soomaaliya u mamnuucday baasaboorka Taiwan, maxayse Somaliland ka tiri

Thursday May 01, 2025 - 11:25:40
hadhwanaag
Waxa ay xafiisyo wakiillo ah ka samaysteen labada dhinac



Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka lagu soo galo baasaboorka Taiwan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jaziiradaasi, oo ku eedeysay Shiinaha inay talaabadaasi ku cadaadisay dowlada Soomaaliya.

 

Shiinaha ayaa aaminsan Taiwan inay tahay dhul ay leeyihiin.

 

Somaliland oo gooni isu taaggeeda ku dhawaaqday sanadkii 1991 ayay wada yeesheen dhowaan xiriir iskaashi oo gaarsiisan heer diblomaasiyadeed Taiwan, taasi oo aysan soo dhoweyn dowlada Shiinuhu.

 

Waxa ay xafiisyo wakiillo ah ka samaysteen labada dhinac midba midka kale caasimadiisa sanadkii 2020, taas oo ka caraysiisay dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay gelinkii dambe ee Talaadada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya ay todobaadkii hore soo saartay ogeysiis ah in laga bilaabo Arbacada aan la aqbali doonin in lagu soo galo Soomaaliya baasaboorka Taiwan.

 

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay muujisay cabasho xooggan oo ay kaga soo horjeedo tallaabada dowladda Soomaaliya ee uu Shiinuhu ku xakameenayo xorriyadda iyo ammaanka safarrada muwaadiniinteena, waxayna ka dalbanaysaa dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga noqoto go'aankaas," ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid sharci ah oo ay Soomaaliya u qaaday si ay u ilaaliso xuquuqdeeda iyo danaheeda, sida ay qortay Reuters.

 

Guo Jiakun ayaa sheegay Soomaaliya in ay u hogaansan tahay mabda'a hal dalweynaha Shiinaha ah.

Safiirka Somaliland ee Taiwan Maxamed Jaamac Galaal ayaa sheegay in ay xiriir qoto dheer la leeyihiin Taiwan, ayna Somaliland xiriir la yeelanayso cidda ay doonto.

 

''Horta xiriirka Somaliland la leedahay Taiwan, waa xiriir qotodheer, nin xamar jooga oo maamulka xamar ka jira ee howshiisiiba ku fashilmay ka tirsan, wax alaale iyo wax uu mowqifka iyo siyaasada jamhuuriyada Somaliland ka beddelayo ma jirto. Somaliland waa dal gob ah oo madax banaan, cidda aan doono ayaan xiriir la yeelanaynaa, Taiwan-a xiriirkaas ayaan la leenahay, waanuna la lahaan doonaa iyaga iyo Maraykan iyo cid alaale iyo ciddii danteenu ku jirto, marka wax alaale wax ay ka beddelayaan ma jirto'' ayuu yiri Maxamed Jaamac Galaal.

 

Dhanka Soomaaliya, waxa uu xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha dibadda Xamse Aadan Xaadow wareysi uu siiyay BBC kaga hadlay go'aanka dalku galka loogu diiday Baasaboorka Taiwan.

 

''Go'aankaasi waxa uu la xiriiraa annaga dowlada - Soomaaliya - iyo Taiwan wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed oo naga dhaxeeya ma jiro, marka waxa isku safri kara waa waddamada is-aqoonsan oo xiriirku uu ka dhaxeeyo, marka go'aanadeena taas ayay la xiriirtaa'' ayuu yiri Xamse.

 

Xamse Xaadow ayaa isaga oo ka jawaabaya waxa hadda ku soo beegay mamnuucidan, iyada oo horay ay u imaan jireen dadka baasaboorka Taiwan haysta ayaa yiri ''Maalinba wax uun baa lagu baraarugaa, talaaba uun baa la qaadaa wax gaar ah ma jiraan, hadaad ogaatid dalkaaga meel uu duleel ka leeyahay waa la daboolaa''

 

Go'aankan ayaa dowladu la wadaagtay laamaha socdaalka dalka iyo diyaaradaha, mana aysan jirin wax xiriir ah oo ay kala sameeyeen Taiwan, sida uu xoghayuhu sheegay.

 

Waxa kale oo dowlada Soomaaliya ay ka jawaabtay in caddaadis uga yimid Shiinaha dartiis ay arrintan u sameeyeen.

 

''Anaga waxaan nahay dowlad madaxbanaan, cid na cadaadisa ma leh, dowladaha madaxabanaan sida ay u dhaqmaan ayaan u dhaqanaa oo danaheena anagaa naqaana, waana ka shaqeynaa'' ayuu yiri.

 

Go'aanka dowlada ayuu Xamse sheegay inuu saameynayo meel kasta oo dalka ka mid ah.

 

''Somaliland Soomaaliya ayay ka mid tahay marka waxa aan u hadlaynaa waa ka DFS ahaan, marka go'aan kasta oo la qaato dalka oo dhan ayuu saameynayaa'' ayuu yiri Xamse Xaadow.

 

Bbc/somali

     
Loading...