Xukuumadda oo Mamnuucday in la soo Dejiyo Baabuurta Aanay Xabadu Karin iyo Qabaalada

Thursday August 14, 2025 - 14:51:41
hadhwanaagnews
Warsaxaafadeedkan lagu mamnuucay soo dejinta gaadiidkan



Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u mamnuucday in dalka la keeno baabuurta aanay xabadu karin (bulletproof) iyo kuwa qabaallada ah iyada oo aan loo haysan oggolaansho rasmi ah oo ka timid hay’adaha amniga. Tallaabadan ayaa ka dambaysay amar rasmi ah oo shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, taas oo si cad u sheegtay in la joojinayo keenista dalka ee baabuurta noocan ah ilaa amar dambe.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa lagu caddeeyay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay go’aankan qaadatay si loo ilaaliyo amniga guud ee Qaranka, loogana hortago falal amni-darro iyo fal-dambiyeedyo qorshaysan.

Warsaxaafadeedkan lagu mamnuucay soo dejinta gaadiidkan ayaa loo cuskaday qodobo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasiloonida qaranka Somailand, waxaana lagu yidhi "Iyadoo la tixgelinayo ilaalinta iyo adkaynta nabadgalyada guud ee Qarankeena Somaliland iyo ka hortagga fal-danbiyeedyo qorshaysan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in laga bilaabo taariikhda maanta la mamnuucay soo dejinta baabuurta aanay xabadu karin iyo kuwa qabaalka ah, isla markaana aan lala soo degi karin ogolaansho la’aan ilaa amar dambe.

Wasaaraddu waxay sidoo kale farriin toos ah u dirtay dhammaan hay’adaha ku shaqada leh amniga, kastamyada, iyo laamaha la socda dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyagoo lagu wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan awaamiirta cusub, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo isku dayda inay jebiso amarkaas. Waxaana lagu yidhi warsaxaafadeedka "Haddaba, Wasaaraddu waxa ay u soo jeedinaysaa dhammaan masuuliyiinta uu qoraalkani ku socdo inay sidaa ku fuliyaan amarkaa ka soo baxay, Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo khilaafsan awaamiirtaa.

Sidaas darteed, waxaan mar labaad idinka codsanayaa inaad ka qadaan talaabo sharciga waafaqsan cid kasta oo ka hor timaada awamiirta ka so baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL.”

Cabdale Maxamed Carab

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha.

     
Loading...