Ka dib markii uu xilka ka xayuubiyey madaxweynihii Gabon Ali Bongo laba sano ka hor, Gen Brice Clotaire Oligui Nguema hadda waxa loo caleema saaray todoba sanno inuu hogaamiyo wadankaa kadib markii uu ku guuleystay in ka badan 90% codadkii la dhiibtay doorashadii ugu horeysay ee afgambiga ka dib.
Gen Oligui Nguema Shan sano ka hor, garaadka guud ee dadka reer Gabon kumuu jirin. 10 sano ku qaatay debed joog ka dib markii laga eryay xukuumadii Bongo ee uu ku dhex jiray, taas oo ilaa Agoosto 2023 xukumaysay Gabon ku dhawaad 56 sano.
Laakiin si aamusnaan ah ayuu u soo noqday ilaa uu ciidamada ka gaadahy booska ugu sarreeya. Hadda, 19 bilood ka dib markii uu ahaa madaxa ku meel gaadhka ah ee qaranka Gabon oo dadkiisu ka kooban yahay in ka badan laba milyan, wuxuu si cad ugu guulaystay doorashadii .
50-jirkan waxa uu ammaan ku helay qaramaynta qaar ka mid ah hantida saliidda ee ajaanibku haysteentaas oo codad kala duwan ku helay, sidaas oo kale kor u qaadida kaabayaasha iyo bixinta mushaharka hawlgabka ee shaqaalaha ayaa soo jiitay dadka codaynayey.
Shanta waddan ee Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika ee afgambiyadu soo mareen tan iyo sannadkii 2020-kii, Oligui Nguema iyo dalka Gabon ayaa ah waddanka keliya ee dib ugu soo noqday xukun rayid isla markaana waa wadanka xidhiidh dhow la leh awooddoodii hore ee Faransiiska ee gumaysan jirtay.
Hase yeeshee Gabon ayaa weli waxaa si weyn u culaysinaya deymo, koronto la’aan joogto ah, iyo cabashooyinka sheegaya in raggii milateriga ahaa ee afgambiga sameeyay ay u muuqdaan kuwo xukunka sii hayn doona inkasta oo ay ballan qaadeen inay dadka rayidka ah ku wareejinayaan.
Si kastaba ha ahaatee Oligui Nguema ayaa si cad ugu caan in dadweynuhu kaga nasteen xukunkii daba-dheeraaday, ayuu qoray falanqeeye Paul Melly.
Hamigiisii hore
Brice Oligui Nguema waxa uu ku dhashay gobolka koonfur bari ee Haut-Ogooué. Aaggan ayaa ah meel ay ku xooggan yihiin qoyska Bongo oo xitaa qaarkood ay sheegaan in Oligui Nguema uu yahay ina-adeerkii Ali Bongo.
Oligui Nguema ayaa aabbihii ka daba qaatay oo ku sii jiray xirfad milatari. Isaga oo aad u da’yar, waxa uu ku biiray ciidanka xoogga badan ee Gabon ee Ilaalada Jamhuuriga, isaga oo tababar ku qaatay akadeemiyada millatariga ee Meknes Royal ee caanka ah ee Morocco 1997dii.
Sarkaalka da’da yar ee hamiga leh ayaa si degdeg ah u soo jiitay dareenka madaxda sare ee militariga, waxaana uu noqday kaaliyaha madaxweynihii xilligaas Cumar Bongo oo ahaa Cali Bongo aabihiis.
Waxaa la sheegay in Oligui Nguema uu aad ugu dhawaa Bongo waxa uu sidaa ahaa ilaa Cumar Bongo uu geeriyooday 2009-kii.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa maqnaanshaha dheer ee jeneraalka ku tilmaamtay mid "masaafuris ah”, balse muuqaal laga akhriyay xafladii caleema saarkiisa ee Sebtembar 2023 ayaa lagu sheegay in "Jaceylka uu u qabo dalkiisa uu u horseeday inuu galo xirfad diblomaasiyadeed”.
Si kastaba ha ahaatee, ninkan millatariga ah ee hawlkarka ah ayaa dib uga soo muuqday masraxa siyaasadda Gabon 2018-kii, markii uu bedelay walaalkii madaxweynaha oo loo magacaabay taliyaha sirdoonka ee Ilaalada Jamhuuriga.
Kadib lix bilood oo kaliya oo uu shaqada ku jiray, Oligui Nguema ayaa loo dalacsiiyay madaxa Ilaalada Jamhuuriga. Waxa uu bilaabay dib-u-habayn si uu unugga uga dhigo mid wax ku ool ah hawshiisa aasaasiga ah: ilaalinta nidaamka.
Nin hore ula shaqayn jiray ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in jeneraalku uu wakhtigaas ahaa "Nin la isku raacsan yahay, oo aan waligii codkiisa kor u qaadin, qof kastana dhegaysta oo si nidaamsan u raadiya tanaasul”.
Xogta laga akhriyay xafladda caleema saarka guud ee 2023 ayaa sidoo kale siisay tilmaamo dabeecadiisa: Wuxuu jecel yahay kubbadda cagta iyo kubbadda laliska, wuxuu ku hadlaa Faransiis iyo Ingiriis, waana xaas le carruur leh.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Faransiiska ayaa cambaareeyay afgambiga – kii sideedaad ee ka dhaca Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika tan iyo 2020.
Laakiin Oligui Nguema ayaa u muuqda in uu ka guulaystay qaybo badan oo dadweynaha ah. Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu mideeyo ciidankaas oo loo kala qaybiyay qaab qabiil.
Doorashadiisa ka hor, waxa uu ballan-qaaday in uu dhaqaalaha kala duwan ku samayn doono, dawladdana ka dhigi doono mid tayo leh, adkaynta nidaamka guryeynta iyo dhiirigelinta soo celinta dadka Gabon ee ku nool qurbaha. Qaar badan oo ka mid ah ballanqaadyadan ayaa sii xoojin doona horumarka uu horay u sameeyay maamulkiisa, kaas oo aad u daneynayay inuu muujiyo inuu la dagaallamayo xad-dhaafka xafiisyada .
Isaga oo ah nin lagu eedeeyay musuqmaasuq oo shaqadiisa inteeda badan ku qaatay gudaha Bongos, waxa uu wali ku dadaalayaa in uu soo bandhigo bilowga cusub ee ay rabaan dadka Gabon.
Si kasta oo uu mashruuciisuku dhammaado, waxa uu weligii haysan doonaa taariikhda dalka oo uu yahay ninkii rogay bogga taariikhda.