DEG DEG Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe ayaa Madaxweynaha Qaranka JSL, ku boggaadiyey safarkii shaqo uu ku tagey Dalka Kenya.

Sunday June 01, 2025 - 10:30:29
hadhwanaagnews
Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xussen, waxa uu sheegay
 Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xusseen, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminaayey ku bogaadiyey safarkii shaqo ee ku tageen Wadanka Kenya, waxaanu xusey in weftigaasi uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu guulo wax ku ool ah ka soo hooyey safaradii shaqo ee uu ku tagey Dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xussen, waxa uu sheegay in weftigaasi uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland marti qaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Dalka Kenya, William Ruto, iyadoo mudanuhu tilmaamey in Madaxweynaha Somaliland, kulano gaar gaar ahaa uu la yeeshay Safaaradaha shisheeye ee degan Dalka Kenya, oo uu kala hadley Qaddiyadda gooni isku taaga iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulan kula qaatey Madaxweynaha Dalka jamhuuriyadda Kenya William Ruto, oo marti qaad rasmi ah u fidiyey weftigaasi Madaxweynaha Somaliland uu hogaaminaayey.

Dhinaca kalena, Xildhibaan ku waxa uu faahfaahin uu ka bixiyey mooshin lagu laalaayo Wadda hadaladdii Soomaaliya, oo Barlamanka Somaliland gacanta ku hayaan, iyadoo Madaxweynaha Xukuumadda Muqdisho ka arrimiya uu uga digey faro-galinta qaawan ee uu ku hayo Qaranka Somaliland.
     
Loading...