Guurtida oo Boggaadiyey safarkii Madaxweynaha, Doodna ka yeeshay horumarinta jidadka iyo Garsoorka.

Sunday May 25, 2025 - 14:49:46
hadhwanaagnews
Geesta kale Mudanaayshu waxay si gaar ah u xuseen in la laalo dib,,,

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayaey guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayasha Golahaasi waxay dooddoodaasi kaga warbixiyeen ahmiyada Garsoorku u leeyahay dalka iyo sidii loo fulin lahaa go-aanadda ka soo baxa Maxkamada dalka.

Isla- markaasina, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, waxay dooddoodaasi ku sheegeen sidii loo dadejin lahaa kiisaska iyo dacwadaha kala duwan ee horyaala Maxkamadaha dalka, Mudanayaashu waxay tilmaamey in Qofka eedeysanaha ah kiiskiisa la dadajiyo, si aanu decwadiisu u mudo dhaafin .
Sidoo kale Mudanayaashu waxay ku bogaadiyey bahda Garsoorka ee dalka shaqada balaadhan Bulshada u hayaan, waxaaney Mudanayaashu talo ahaan xukuumadda ugu soo jeediyeen in kor u qaadis lagu sameeyo xirfadda aqooneed ee Garsoorayaasha ka howlgala dalka.

Geesta kale Mudanaayshu waxay si gaar ah u xuseen in la laalo dib u eegista lagu sameeyo dacwadaha Maxkamadduhu go'aanno fulineed ka soo saaraan iyo in kiisaska Dacwaduhu goobaha ka soo bilaabmaan loo magacaabo dad aqoon u leh arrimaha Garsorka ee dalka.

Dhanka kale Mudanaaysha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxay dood ka yeesheen sidii loo horumarin lahaa Waddooyinka d dalka, waxaanay mudanayashu xukuumadda ku bogaadiyyeen dhismayaasha Waddooyin cusub ee laga hirgalinaayo deegaanadda Baki ilaa Gar-gaara, waddada isku xidhi doonta goboladda Hawd iyo Maroodi-jeex oo howshaada gacanta lagu hayo.

Mudanaaysha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay Madaxweynaha Qaranka Jamhuriyadda Somaliland Mudane- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku boggaadiyeen safarkii shaqo uu ku tagey dalka D.Jabuti iyo fulinta Waddada cusub isku xidhi doonta Magalada Borama ilaa dalka D.Jabuuti oo fulinta dhismaheeda iska kaasanayaan labada Xukuumadood, wadddaasi oo ahmiyad gaar ah u leh isku socodka Bulshada, badeecaha kala duwan iyo Gaadiidka labada Dowladoodba.

Mudanayashu waxay Dooddoodaasi kaga warameen ahmiyadda Dalka u leedahay Waddada isku xidhi Magaalooyinka Ceeri-gaabo iyo Burco, oo sahashey isku socodka Magaalooyinkaasi, Mudanayaashu waxaa kale oo tilmaameen in Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka ee Dalka loo sameeyo gaadiid lagu xakameynaayo shilalka gaadiidka oo muddooyinkii u dambeeyey dalka ku soo badanaayey.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa ay Masuliyiinta Wasaradda howlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta ka dalbadeen in howl-galiyaan Engineeradda Wasaraddaasi, si qabyo tir iyo buuxbuuxin ugu sameeyaan Waddooyinka Goboladda Bari ee Dalka.

Iyagoo Mudanayaashu Xukuumadda talo ahaan ugu soo jeediyey in derdergalin lagu sameeyo qorshaha dhismaha Waddada isku xidhi doonta Magaalooyinka Burco, Berbera ilaa Ceel-Af-weyn oo xiligan qabyo ah.
Gaba-gabdii, mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa shuirguddoonkooda ka dalbadeen in la soo Gole joojiyo maayirka Hargeysa ,si wax looga weydiiyo waxa hortaagan dhismaha waddada 150 ka,oo xiligan Qabyo ah.
     
Loading...