20 Waxyaalood oo Aad Ka Shallayn Doonto Mustaqbalka

Friday April 11, 2025 - 14:09:45
hadhwanaagnews
(Fariintan si gaar ah waxay ula hadlaysaa dhalinyarada)



1. Waxaad ka shallayn doontaa inaad waalidkaa waqti badan la qaadan weyday intii aad fursadda haysatay.

2. Waxaad ka shallayn doontaa inaadan waxba ka keydsan dakhligaaga, xitaa haddii uu yaraa.

3. Waxaad ka shallayn doontaa inaadan ka tagin shaqadii aanad jeclayn markii fursaddu kuu banaaneyd.

4. Waxaad ka shallayn doontaa inaadan si fiican u baran waxbarashadaada… ama inaad waqti badan ku lumisay wax aanad dan ka lahayn.

5. Waxaad ka shallayn doontaa in aad ilowday inaad waqti la qaadato dadka aad jeceshahay marka ay adiga kugu xeernaayeen.

6. Waxaad ka shallayn doontaa inaad cimrigaaga ku dhammaysay dib u dhigid iyo riyo aan ficil lahayn.

7. Waxaad ka shallayn doontaa markasta oo aad ka baqday ama ka labalabaysay inaad tiraahdo "Maya”.

8. Waxaad ka shallayn doontaa inaad dadka kale u ogolaatay inay kuu qorsheeyaan noloshaada.

9. Waxaad ka shallayn doontaa in aad rumaysatay waxyaabo been ahaa adigoon xaqiiqadooda baarin.

10. Waxaad ka shallayn doontaa in aad xajisatay fikrado khaldan halkii aad iska tuuri lahayd markii aad da’yarayd.

11. Waxaad ka shallayn doontaa fursadihii dhalinyaranimada ee aanad ka faa’iidaysan.

12. Waxaad ka shallayn doontaa wajiyada beenta ah ee aad u xiratay si aad dadka u cajabisid.

13. Waxaad ka shallayn doontaa qaraabo iyo asxaab aanad booqan ilaa geeridu idin kala qaaday.

14. Waxaad ka shallayn doontaa waqtiyo barakaysan sida Ramadaanada oo aad dayacday.

15. Waxaad ka shallayn doontaa xiriir noloshaada dhaawac u keenay oo aad qarisay sanado badan.

16. Waxaad ka shallayn doontaa talooyin iyo fursado aad iska indhatirtay kadib markii aad garatay muhiimaddooda.

17. Waxaad ka shallayn doontaa mar walba oo aad is dhiibtay adigoo ku dhowaa guusha.

18. Waxaad ka shallayn doontaa mar kasta oo aad dulmiso qof kaa jilicsan ama aad awood u leedahay.

19. Waxaad ka shallayn doontaa in aad si xanaaq leh ula dhaqantay dadka kugu dhow sababo aan muhiim ahayn darteed.

20. Ugu dambayn, waxaad ka shallayn doontaa in aad dunida ka tagtay adigoon reebin raad wanaagsan ama samafal weyn.

Ogaada dhalinyaroow noloshu waa Amaah ee aan ka faa'iidaysano.

Qodobkee si gaar ah kuu saameeyay, nagula wadaag qaybta faallada.

W/Q/ Usame Qiyasle

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...