"Nabadda Ceel Af-weyn intay Doonto Ha nagu Qaadatee kama Tagayno ilaa Nabadda Waarta la Helo.."

Monday April 14, 2025 - 11:35:16
HADHWANAAGNEWS
Hubkan la wareejiyay iyo ciidanka la wareejiyay, waa ciidan

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw Cabdi oo muddo ka badan 50 maalmood ku sugan gobolka Sanaag, halkaasina ka wada arrimaha nabadaynta Ceel Afwayn iyo Qaramaynta ciidamada madaniga ah ayaa la wareegay hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo madani ah kuwaasi oo ka mid noqonaya ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa bogaadiyay bulshada Maxamed Sacad oo soo wareejiyay Hub iyo ciidan aad u tiro badan, waxaanu xusay in ay Qaramaynta iyo hubkani ka duwan yihiin kuwii hore isaga oo tilmaamay inay ay ahaayeen kuwo mar hore samaysmay waxaanu sheegay

"Waxaanu u mahad-naqaynaa, bogaadnaynaana dadwaynaha Maxamed Sacad oo maanta soo diyaariyay, dhiibayna hubkii iyo ciidankii madaniga ahaa, hubkani iyo qaramayntani way ka duwanaayeen, intii hore loo soo wareejiyay.

Hubkan la wareejiyay iyo ciidanka la wareejiyay, waa ciidan muddo hore samaysmay oo ku samaysmay tallo xumo ka timi in runta ku nool qayb ka mid ah Ceel Afwayn, waayo ma samaysmeen haddii tallo fiicani timaado”.

Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa aad uga waramay dhibaatada uu hubkani ku hayay bulshada Ceel Afwayn, ahaan mid loogu tallo halay in lagu dilo dad walaalo ah oo goob ku wada nool waxaanu sheegay

"Waa hubkii loo samaystay in lagu dilo Seedi, in lagu dilo Sodog, in lagu dilo abti, in lagu dilo ina’abti, hub aad u khariban buu ahaa, ILLAAHAY baan mahad leh haddii uu maanta soo gebo’gaboobay, reerka soo dhiibayna aad baanu ugu mahadcelinaynaa, reerka hadhayna waxaanu leenahay idin kuna qaata raganimada”.

Gebo’gabadii madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada Ceel Afwayn ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, kuna soo noqdaan wadajirkoodii iyo walaalnimadoodii, waxaanu intaasi ku daray in ka dawlad ahaan ay iyaguna kaalintoodii qaadanayaan waxaanu sheegay

" Aniga oo Afka dawladda iyo Afka madaxwaynaha ku hadlaya Ceel Afwayn dadka ku nool in wax loo qabto waxay ku xidhan tahay dadwaynaha Ceel Afwayn, sida ay iyagu gacanta isku qabsadaan bay ku xidhan tahay, haddii ay nabadda qaataan oo ay gacmaha is qabsadaan oo ay walaalnimadii ku soo noqdaan, waxan anaguna ballan qaadaynaa in wixii ka habsaamay eek a baaqday ee horumar ahaa in dawlad ahaan aan ku dedaalno insha allah.

Guddida nabadaynta ee Ceel Afwayn joogta anagu waanu u adkaysanaynaaye adkaysta, haddii ay inagu raagtana, ka tagi mayno ilaa ay nabadda Ceel Afwayn halkii ku soo noqoto”.
     
Loading...