Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maata Jimce ah martigelinaya shir uu la yeelanayo madaxda shirkadaha waaweyn ee lacagaha dhijitaalka ah, isagoo doonaya in Mareykanku noqdo hoggaamiyaha crypto-ga.
Shirkan waxaa ka qayb galaya madaxa Coinbase, Brian Armstrong; Michael Saylor oo ka tirsan Strategy; Sergey Nazarov oo ka socda Chainlink Labs; iyo JP Richardson oo ah madaxa Exodus. Waxaa sidoo kale joogaya xubno sare oo ka tirsan maamulka Trump, oo ay ka mid yihiin David Sacks iyo Bo Hines.
Trump wuxuu diiradda saaraya laba qodob oo waaweyn:
Samaynta kayd Mareykanku yeesho oo lacagaha dhijitaalka ah lagu kaydiyo, kaas oo ka koobnaan doona Bitcoin, Ethereum, XRP, Solana, iyo Cardano.
Sharciyeynta iyo fududaynta ganacsiga crypto-ga si Mareykanku u noqdo xarunta lacagaha dhijitaalka ah.
Shirkan wuxuu ku soo beegmayaa xilli qiimaha Bitcoin uu gaaray $90,000, inkasta oo uu ka hooseeyo heerkii ugu sarreeyay ee $109,000 ee uu gaadhey maalintii Trump la dhaariyay. Khubaro badan ayaa saadaalinaya in qiimuhu hoos u dhici karo ilaa $60,000, taas oo fursad siin karta maal-gashadayaal badan oo sugaya inay iibsadaan.
Si uu Trumpi u hirgeliyo qorshayaashiisa, waxaa khasab ah in sharciyada crypto-da la ansixiyo, taas oo qaadan karta waqti. Su’aasha taagan ayaa ah, ma hirgelin doonaa qorshihiisa, mise waa ballanqaad siyaasadeed?
Mohamed DEEQ