Shirkii Wajaale:- Iskaashi lagu Dhisayo Xuduud aan Xasarad Lahayn iyo Deriswanaagga

Wednesday August 13, 2025 - 09:58:22
hadhwanaagnews
Kulankan sare oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta degmooyinka,...




Shirkii deriswanaag ee ka qabsoomay magaalada Tog-Wajaale ee dhanka Itoobiya, kaas oo u dhexeeyay labada maamul ee magaalooyinka Wajaale/Somaliland iyo Wajaale/Itoobiya, waxa uu astaan u yahay siyaasad is-faham iyo iskaashi ku dhisan wax-wada-qabso iyo horumar oo dhexmaray bulshooyin wadaaga juqraafi, dhaqan, iyo dano nololeed oo is-dhaafsan.

Kulankan sare oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta degmooyinka, taliyeyaasha ammaanka ee Gobollada Gabiley iyo Faafan, iyo laamaha kala duwan ee dawladda ee heer-degmo, wuxuu xambaarsanaa farriin muhiim ah oo muujinaysa sida nabadgelyada, isu-socodka shacabka, iyo horumarka kaabeyaasha bulshadu ay saldhig ugu yihiin xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan bulshooyinka xuduud-wadaagga ah.

Wajaale waa magaalo lafdhabar u ah isku socodka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo isu-gudbinta badeecadaha u kala goosha Somaliland iyo Itoobiya. Haddii xuduudaha kale ee Geeska Afrika ay inta badan la ildaran yihiin isku dhacyo, xasilooni darro iyo xuduud muran leh, waxay Wajaale noqotay meel tusaale u ah suurtagalnimada in xuduud lagu maamuli karo is-faham, iskaashi degmo-degmo ah, iyo wadaag mas’uuliyadeed.

Doodaha lagu falanqeeyay arrimaha ammaanka, adeegyada bulshada, iyo horumarinta kaabeyaasha, sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka, waxay daaha ka rogeen muhiimadda ay leedahay in siyaasadda arrimaha gudaha lagu saleeyo xaqiiqada dadka deegaanka. Waxa muuqata in labada dhinac ay aqoonsan yihiin muhiimadda ay leedahay in laga tallaabo hadal-qurxinta, loona gudbo qorshe hawleedyo wada-jir ah oo xal u noqda dhibaatooyinka horyaalla shacabka xuduudka ku nool.

Wargeyska Dawan waxa uu soo jeedinayaa in kulamadan deriswanaaga ah laga dhigo kuwo joogto ah, isla markaana lagu dhiso hannaan rasmi ah oo iskaashi xuduudeed oo heer-degmo ah. Iskaashiga noocan ah wuxuu kobcin karaa nabadgelyada, wuxuu dhiirrigelin karaa is-dhexgalka bulshada, wuxuuna abuuri karaa dhaqaale deegaanka ku saleysan oo labada dhinacba ka faa’iidi karaan.

Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo leh taariikh isku-xidhiidhsan, waxaana hadda socda dedaalo laba geesood ah oo lagu dhisayo xuduudo aan xasarad lahayn iyo nidaam walaaltinimo iyo deris-wanaag ah oo tusaale u noqda Geeska Afrika oo dhan, gaar ahaan marka la eego sida looga hortagi karo isku dhacyada iyo colaadaha xuduudaha ee ay kiciyaan is-faham darrada siyaasadeed.

Shirka Tog-Wajaale wuxuu inoo muujinayaa in nabad, horumar iyo derisnimo wanaagsan lagu gaadhi karo horumar waara, iyadoo la adeegsanayo maamulka hoose, wacyiga bulshada, iyo wada-shaqeyn dawladeed oo ku dhisan dan-wadaag dhab ah. Waa tallaabo xasillooni xambaarsan oo mudan in la adkeeyo, la xoojiyo, lana fidiyo

     
Loading...