Shirweynaha KULMIYE oo Dib loo Dhigay

Thursday August 07, 2025 - 14:12:01
hadhwanaagnews
Warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ...



Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dib loo dhigay qabsoomidda shirweynaha guud ee xisbiga, iyadoo la qorsheeyey in shirweynuhu dhaco bisha June ee sannadka 2027, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha dib-u-dhigista shirweynaha iyo qodobbada sharciga ah ee lagu saleeyey go’aankan. Waxa si gaar ah loo xusay Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Qaranka (Xeer Lr.14/2023), kaas oo dhigaya in shirweynaha xisbiyadu qabsoomo shantii sannaba hal mar iyo in muddada liisanka xisbinimadu yahay toban sanno, kuwaas oo qeexaya habraacyada iyo waajibaadka xisbiyada qaran marka ay timaado qabashada shirweynayaasha.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan, isaga oo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:-
"Ujeeddo: Qabashada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 9aad, Farqadiisa 2aad iyo 3aad, oo si cad u qeexaya nidaamka siyaasadeed ee dalka iyo ujeedada dhismaha xisbiyada qaranka.

Markaan Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeer Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr: 14/2023, gaar ahaan qodobada 26aad (Farqadiisa 3aad), 40aad (Farqradihiisa 1aad iyo 3aad), iyo 51aad. Qodobadan oo si cad u qeexaya in muddada liisanka xisbi-nimo yahay 10 sanno oo ka bilaabmaysa taariikhda Guddidu bixisay liisaanka, in wakhtiga la qabanayo shirweynaha ururada/xisbiyaddu ay tahay shantii sanno hal mar, iyo in si iskumid ah xeerka lagu dhaqayo xisbiyadii hore u jiray iyo kuwa cusub ee ku soo baxay doorashooyinkii dhacay 13k” November 2024.

Markaan Arkay: Dastuurka Xisbiga Kulmiye qodobka 16aad oo qeexaya qaabka loo qabanayo shirweynaha Xisbiga.

Makaan Arkay: In Liisaanka Xisbnimo ee Xisbiyada Qaranku dhaqan-gal yahay muddo 10 sanno ah oo ka bilaabmaysa 1-da January, 2025 kuna dhamaanaysa 31ka December, 2034.

Makaan Arkay: In Xisbiga Kulmiye ku helay liisaanka xisbinimada ee cusub ka dib markii uu ka soo gudbay doorashadii tooska ahayd ee ururada iyo xisbiyadu ku tartameen 13kii November, 2024.

Markaan Tixgaliyey: Dooddii dimquraadiga ahayd ee ay xubnaha Gudida Fulinta, xubno ka mid ah Kaadirka iyo Halddoorka Xisbigu ka yeesheen qabashada shirweynaha Xisbiga 7- dii ilaa 8-dii July 2025, oo ay ka soo baxday in Xisbigu u baahan yahay wakhti uu ugu diyaar garoobo qabashada shirweynaha Xisbiga.

Markaan Garwaaqsaday: In qabashada shirweynaha Xisbigu laf dhabar u yahay xoojinta iyo dardargelinta hawlaha Xisbiga.

Waxa aan Go’aamiyay:

In Shirweynaha Xisbiga Kulmiye qabsoomo June 2027, mar hadii shanta sanno ee xeer Lr:14/2023 waajibanayo in Xisbiga Kulmiye qabsado shirweynihiisa ay ka bilaabmayso 1da January, 2025 kuna eegtahay 31ka December, 2029.”

Maxamed Kaahin Axmed

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

     
Loading...