Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa si adag uga jawaabay falalka gardarada ah ee ay waddo dowladda taagta daran ee Soomaaliya, isagoo si kulul u cambaareeyay sheegashooyinka aan sharciyadda iyo xaqiiqada ku salaysnayn ee maamulka Muqdisho ku doonayo inuu ku carqaladeeyo arrimaha socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xisbiga KULMIYE ayaa tallaabadan iyo ficilada cadaawadda ku dhisan ee dawladda taagta daram ee Muqdisho ku sifeeyay mid si ula kac ah looga dan leeyahay in lagu khalkhal geliyo dadka u socdaalaya Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo uu xisbiga ku tilmaamay faragelin toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland.
Xisbiga KULMIYE waxa uu xusay in cadaawadda iyo nacaybka dawladda Muqdisho aanay waxba u dhimaynin qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan oo xornimadiisa qaatay 26kii June 1960, taas oo ah xaqiiqo aan marna laga leexan karin, caalamkuna si weyn u ogyahay.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xisbiga KULMIYE, kaas oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xisbiga Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) waxaana lagu yidhi "Waxa dhawaan maamulka taagta daran ee muqdisho soo saaray wax uu ugu yeedhay nidaam dalku-galka ah oo online ku shaqaynaya (E-Visa), taas oo uu ku sheeganayo xuduudaha Somaliland, kuna doonayo maamulkaasi in uu carqaladeeyo dadka imanaya Jamhuuriyada Somaliland.
Xisbiga Kulmiye, waxa uu cambaaraynayaa sheegashada aan sharciyadda iyo xaqiiqda ku dhisnayn ee maamul-ku-sheegga Muqdisho uu ku doonayo in ku maamulo socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo caalamku ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo xoriyadiisa qaatay 1960-kii dibna ugala soo noqday Soomaaliya 18 May 1991.”
Dhinaca kale, Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhinaceeda sheegtay Arbacadii dorraad in aan la aqbali doonin cid kasta oo sidata Visa aanay bixin Ciidanka Socdaalka ee JSL, taas oo meesha ka saaraysa in cid kale awood u yeelato in dalka lagu yimaado Visa aanay bixin Ciidanka Socdaalka Somaliland, waxaana ay tallaabadan la socodsiiyeen dhammaan diyaaraha dalka yimaada iyo xarumahooda laga maamulo ba.