Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay safarka la sheegay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood, iyada oo sheegtay in Laascaanood ay ka mid tahay dhulkeeda, isla markaana aanay ogolaan doonin in Xamse Cabdi Barre yimaado.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo la hadlay warbaahinta, ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku macneeyay mid colaad abuur ah, isla markaana uu doonayo in uu xasaradaha ka jira Soomaaliya u soo raro Somaliland.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Hadalka ninkaasi ka sooyeedhey waa mid xadgudub ah, daan-daansiya, xasarad abuura, badheedha, ahna inuu colaad huriyo ah.
Wax kasta oo ay nagu qaadato, waxa naga go’an in aan difaacno qaranimadeenna iyo xuduudahayaga.
Nabadda raadinteedu tamar-darro nagama aha, waxa naga go’an fitnada aad abuurayso in aan xoog iyo xeeladba kaga hortagno.”
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland u dhaaratay difaaca qaranka Somaliland, waxaanu yidhi "Xukuumadda Somaliland waxay u dhaaratay in ay difaacdo Qarannimada iyo xuduudaha JSL, waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleysa oo habeen iyo maalin ba ka shaqaynaysaa dadka reer Laascaanood ee cabashada qaba ee rayiga rayigan ka duwan in aanu qancino, oo la heshiiyo isla fadhiisano, sababta oo ah waanu is hurranahay, dhaqan, dhalasho iyo wax walba waanu isku hurranahey, dad kala maarmaya oo kalatagaya ma nihin”
Wasiirku waxa uu wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay qorshaha ay sheegtay dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho qof iyo cod ah laga qabto deegaanno ka tirsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay in doorasho laga qaban karo oo keliya deegaan nabdoon isla markaana aanu sugnayn amniga deegaanadani.
Waxaanu yidhi "Doorashada adiga iyo madaxweynahaagu aad ku baaqeysaan ee qofka iyo codka ah ee dalka Soomaaliya inaad ka qabataan aad rabtaan, doorashooyinka qof iyo cod loogu dareero waxa khibrad weyn u leh dalkan JSL, doorasho meel sanduuq la dhigo dad cod u dareeraan oo kuyuu loo galo waa shayga ugu xasaasisan, ee la qabto, waxaaney u baahan tahay 100% nabadgelyo sugan, is-ogolaansho, la isla ogol yahay nooca doorasho ee la qabanayo, arrinta noocaas ah ayaad doonaysaan iyada oo Villa Soomaaliya madaafiicdu ku dhacayso inaad bulshadii Soomaaliyeed ku tidhaahdaan doorasho qof iyo cod ah ayaanu qabaneynaa.”
Wasiir Ayaanle waxa uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in aanu tegi karin maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu si gaar ah u matalo, sida uu sheegay, isla markaana halkii uu xal uga raadin lahaa colaadaha ka taagan dhulkaas, uu doonayo inuu xasarad kale la yimaado Sool.
Waxaanu yidhi "Xukuumadda uu raysal-wasaaraha ka yahay waxay colaadin joogta ah ku haysaa labadii maamul ee Xamse ku mataleyay, dood iyo diidmo midna kama dhiibto, wuxu raali ku yahay nooc kasta oo loola dhaqmo kuwaa uu matelaada siyaasadeed u yahay”
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxa uu wax laga xumaado iyo nasiibdarro ku tilmaamay iyada oo qaybo ka mid ah Soomaaliya ay maamulaan Ajaanib in Raysal-wasaare Xamse u soo hanqal taago Laascaanood.
Waxaanu yidhi "Waxa nasiib-darro ah iyada oo garoonkii diyaaradaha ee Muqdisho hoobiyayaal lala dhacayo, iyada oo Xalane ay noqotay meel aanay Soomaaliya xukumin, midnimada, siyaasada iyo dhawrsanaanta dhuleed ee Soomaalida ee Xamse Cabdi Barre, uu doonayo inuu Laascaanood ka raadiyo wuxuu ka la’yahay inuu Muqdisho ka sameeyo, oo goobo ka tirsan Soomaaliya Ajaanib gacanta ku hayaan oo marka isaga iyo wasiiradiisuba galayaan la baadhayo, markaa wixii aad Laascaanood u timaada waa inaad Xaabo ka dhigto, waa inaad xasarad abuurto, colaad abuurto, awood siyaasadeed ka dhigato, doon doonasho cusub oo dhiig Soomaaliyeed ku daatana aad halkaasi ka abuurto.”
Gaba-gabadii Wasiirku waxa uu sheegay in halku dhigga ay bulshada u sheegaan madaxda Soomaaliya ay tahay wax aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaanu yidhi "Halku-dhig ayaad ka dhigateen Soomaali heshiisa, dunidana heshiis la ah, maanta waxaad marineysaan Soomaali is cuneysa dunidana ka dhacday inaad kaga tagtaan meesha”.