DEG DEG Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga oo ka Hadlay Qorshihiisa Mustaqbalka dhaw iyo ka dheer

Friday May 30, 2025 - 16:19:42
hadhwanaagnews
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay kor u qaadayaan xirfada


 Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland, Mudane Siciid Cabdi Maxamuud Xarbi ayaa ka hadlay ka xidhiidh ahaan waxyaabaha u qorshaysan in ay wax ka qabtaan mustaqbalka dhaw iyo ka dheer ba, waxaanu tilmaamay in qorshahooda ugu weyni yaqhay in ay xoojiyaan siina ambo-qaadaan horyaalladii kubadda Koleyga ee socday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay qorshahooda ku jirto in ay wax weyn ay ka qabtaan garoonadda Kubadda Koleyga ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco, kuwaasi oo uu xusay in ay u baahan yihiin dib u habeyn iyo dayactir.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay kor u qaadayaan xirfada iyo khibrada ciyaartoyda iyo garsooreyaasha Kubadda Koleyga Somaliland.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland, Mudane Siciid Cabdi Maxamuud, waxa uu sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan.

Waxaanu yidhi. "Waxaan doonaya in aan wax ka qabto sii ambo-qaadista horyaalladii socday, in aan wax badan ka qabto garoonnada kubadda Koleyga ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco aanu, sidoo kale waxaanu soo celin doonaa xidhiidhkii dibada iyo ciyaarihii ay ciyaartoydu ugu bixi jireen bariga Afrika.”
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland, Mudane Siciid Cabdi Maxamuud waxa uu intaasi ku daray” Waxa naga go’an haddii ILLAAHEY yidhaahdo in aannu soo saarno ciyaaryahanno iyo garsooreyaal khibrad iyo xirfad sare leh, waxa aannu rabnaa in aannu xoojino nimdaanka, sharciga iyo kaladameynta u yaala xidhiidhka kubadda Koleyga oo arrimahas si weyn loogu hoggaansamo.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay qorshahooda ugu jirto dhismaha xafiiska guud ee xidhiidhka.
Waxaanu yidhi "Geesta kale waxa uu qorshahayagu yahay in aannu dhisno xafiiska guud ee xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland, oo aan marka hore lahaan jirin xafiis, isla markaana aannu laba bilood gudahood ku soo dhammeyno, hawlaha adeeg-bixinta kubadda Koleygu waxa ay soconaysa marka ay hesho xafiis”
     
Loading...