Prof. Eid Ali Ahmed, oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo si weyn loo ixtiraamo, ayaa ku tilmaamay kulankii dhawaan ka dhacay magaalada Cardiff mid si weyn u muujiyay rajo iyo yididiilada laga qabo mustaqbalka Somaliland, isaga oo ammaanay doorka hoggaamineed iyo horumar ee dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Wales.
Warbixintan oo ay baahisay BBC World Service, Prof. Eid Ali Ahmed, waxa uu si weyn u ammaanay xiisaha iyo ka go’naanta dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool qurbaha, isaga oo sheegay inay si qoto dheer u muujinayaan daneyn dhab ah oo ku saabsan arrimaha Somaliland. "Waa arrin cajiib ah,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku dasray "Aad baan ula dhacay sida ay dhalinyaradeennu u muujiyeen xiisaha ay u qabaan arrimaha dalkooda.”
Prof. Eid Ali Ahmed oo ah halgamaa reer Somaliland ah oo 75 jir ah, ayaa tilmaamay in rajo weyn laga qabo dhalinyarada reer Somaliland ee ku dhashay qurbaha, wuxuu si gaar ah u bogaadiyay su’aalaha ay dhalinyaradu waydiinayeen, taas oo uu sheegay in ay muujinayso sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay in ay wax ka bartaan, isla markaana ay ugu heellanyihiin in ay ka shaqeeyaan horumarka Somaliland. Waxaa kaloo uu ku ammaanay dhalinyarada iswaafajinta dhaqamada, iyaga oo ah reer Somaliland isla markaana ku hadlaya afka Welsh-ka. "Taasi waxay i siisay dhiirigelin weyn. Waxay ii sheegtay in dhaxalkii uu sii soconayo, mana lumi doono,” ayuu yidhi professor Eid. "Waxaan arkayaa jiil cusub oo diyaar u ah inuu wax ka beddelo xaaladda, kuwaas oo wata taariikhdii, dhaqankii iyo sidoo kale xirfadihii casriga ahaa,” ayuu yidhi Prof. Ahmed.
Professor Eid Ali Ahmed waxa uu si qotodheer uga hadlay dhaxalka Somaliland, kaas oo ah halgankii loo soo maray xornimada iyo dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland, iyo sidoo kale halganka loogu jiro in Somaliland si rasmi ah loogu aqoonsado inay tahay dal madax-bannaan. "Somaliland waxay leedahay taariikh adag oo qoto dheer. Waxay ku hoos jirtay maxmiyaddii Ingiriiska muddo 72 sanno ah, ilaa ay xornimada ka qaadatay UK.”
Eid waxa uu sheegay in is-raacii lixdankii aanu noqon mid guuleystay. Kadib sannado badan oo colaado ah, taasina ay keentay in Somaliland ay madaxbannaanideeda dib ula soo noqoto, iyada oo dhistay nidaam siyaasadeed, hay’ado dowladeed, boolis u gaar ah iyo lacag u gaar ah.
Kulanka Cardiff wuxuu si weyn u muujiyay doorka hoggaamineed ee halgamayaasha uu ka midka yahay Professor Eid iyo sida dhalinyarada reer Somaliland ay uga go’an tahay inay xasuustaan taariikhdooda, una shaqeeyaan mustaqbalkooda.
Professor Eid waxa uu sidan ka sheegay xus qiiro leh oo ka dhacay xaafadda Grangetown ee magaalada Cardiff, halkaas oo lagu xusay 65 guurada kasoo wareegtay xornimadii Somaliland ka qaadatay Britain, 26-kii June 1960. Bandhigani wuxuu noqday mid muujiyay xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Wales.
Isdhexgalka Dhaqanka:
Muniira Xaashi oo 27 jir ah, kuna dhalatay Cardiff, ayaa sheegtay inay doonayso mustaqbalka dhow inay safar ku tagto Somaliland si ay wax uga beddesho xaaladda. "Waxaan dareemayaa inaan noqon karo qofka isbeddel keeni kara oo ka qayb-qaadan kara horumarka dalkayga.”
Sidoo kale, Saynab Axmed, oo 17 jir ah, kana mid ahayd dadka turjumayay khudbadaha shirkan oo lagu qabtay xarunta Channel View ee Grangetown, ayaa sheegtay: "Waxaan ahay qof Welsh ah, waxaan ahay qof reer Somaliland ah, mana aha in mid laga tanaasulo si loo doorto kan kale.” Saynab oo wax ku baratay iskuul luqadda Welsh-ka ah, ayaa ka yaabisay dad badan oo ka qaybgalay bandhigga markii ay ku tarjuntay hadallada English iyo Somali ku qornaa luqadda Welsh-ka.
"Cardiff waxay ahayd halkii aan magan galnay:” ayay tidhi Faadumo Siciid Ibraahim oo ku dhalatay Newport laakiin hadda ah la-taliye sare oo arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegtay in Cardiff ay ahayd halkii ugu horreysay ee ay ka heleen gargaar iyo garawshiyoo markii dagaalku qarxay 1988. "Waxaan ahay gabadh Welsh ah, laakiin waxaan muddo dheer ku noolaa Somaliland,” ayey tidhi. Waxay sidoo kale sheegtay in dhalinyarada maanta ay si tartiib tartiib ah u garanayaan taariikhdooda: "Waxay fahmayaan in ay leeyihiin asal iyo taariikh. Taariikhdoodu waa mid layaab leh.”
Dhinaca kale Cali Cabdi, oo ah shaqsi muhiim ah oo u dhaqdhaqaaqa bulshada Welsh-Somalilanders, ayaa isagu sheegay in waqtigu yahay mid ku habboon in dhalinyarada la siiyo doorkii ay istaahilayeen. "Waxaan dooneynaa inaan aragno Somaliland oo la aqoonsado inta aynu noolnahay,” ayuu yidhi.