7 Caado oo Si Tartiib Ah U Burburiya Mustaqbalkaaga

Sunday March 16, 2025 - 14:34:46
hadhwanaagnews
2Caadooyinka Xun:



1Dib u Dhigidda Hawlaha:

Mar kasta oo aad sugto waqti ku habboon, fursadaha ayaa kaa dhaqaaqaya. Dadka guuleystay waxbay qabtaan xilligan la joogo, ma sugayaan xaalad qumman.

2Caadooyinka Xun:

Saacadaha badan ee lagu luminayo baraha bulshada, dhafarka, iyo ficillada aan wax faa'iido ah lahayn waxay si tartiib ah u dilayaan waqtiga noloshaada ugu qiimaha badan.

3Cabsi iyo Shaki:

Guuldarradu waa qayb ka mid ah jidka horumarka, laakiin haddii aad ka baqdo oo aad iskaga fogaato tijaabinta, weligaa ma ogaan doontid awooddaada dhabta ah.

4Dadka Gadaal kuu Celinaya:

Dadka noloshaada saameynta ku leh waxay go'aamin karaan heerka aad gaarto. Haddii aad isku hareerayso kuwa ku niyad-jabiya, wuu xannibmayaa horumarkaaga. La joog kuwa kugu dhiirrigeliya kartidaada, kugu taageera yoolalkaaga, una sabab noqda in aad ka sii fiicnaato.

5Hadaf la'aanta:

Doon aan jihaysnayn meel ma gaarto. Haddii aadan lahayn yool cad, waxaad noqonaysaa qof u socda meel aanu garanayn.

6 Dadka Kale Dartood U Noolaansho:

Haddii aad raacdo rabitaanka dadka kale, waxaad waayi doontaa runtaada. Xorriyadda dhabta ah waa in aad qaab dhisato noloshaada sida adiga kugu habboon.

7Joojinta Is-Horumarinta:

Noloshaadu waxay la mid tahay geed; haddii uusan sii korin, wuu engegi doonaa. Haddii aad iska dhaafto waxbarashada, cilmi kororsiga, iyo kobcinta xirfadahaaga, mustaqbalkaagu wuu yaraanayaa. Maalin kasta u qoondee waqti aad ku barato wax cusub, waayo qofka wax barta maanta, wuxuu hoggaamin doonaa berri.

Noloshaadu waa go'aamada aad maalin kasta qaadato. Xulo wax ku dhisa, oo ka tag wax kasta oo kaa luminaya waddada guusha.

Igala soco Bogga Usame Qiyasle

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...