"Xildh. Barkhad wuxuu caado ka dhigtay ka ganacsadaa Dareenka Shacabka" Xildh. Jamaal

Tuesday May 14, 2024 - 10:35:32
Hadhwanaag
"Xildhibaan Ogsoonow in Gobollada Somaliland siman yihiin"
 
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xildhhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kaas oo ka soo horjeestay shir Golaha Wasiirradu maanta ka yeesheen Gobolnimada Gabiley iyo derajo-kordhinta degmooyinka dalka qaarkood.

Mudane Jamaal Cismaan waxa uu xildhibaan Barkhad Batuun ku eedeeyey inuu sifooyin qaldan uga faa'idaysto xaaladaha siyaasadeed ee dalka isagoo fulinaya dano-siyaasadeed oo cid gaar ahi leedahay.

Xildhibaanka oo qoraal kooban ku baahiye bartiisa Facebook caawa, waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay, "Xildhibaan Barkhad wuxuu caado ka dhigtay ka ganacsadaa Dareenka Shacabka iyo Iska horkeenkooda isagoo dano gaar ah iyo cid gaar ah u adeegaya. Xildhibaanka waxaan leeyahay ma tihid ninkii maanta sidaas u hadli lahaa, waxay ahayd inaad ixtiraamto shacabka gobta ah ee iyagoo ku sharfay aad hore ugu dul-kuftay.

Xildhibaan Ogsoonow in Gobollada Somaliland siman yihiin oo aanay jirin sabab loo kala jeclaysto. Waxa kale oo aad ogsoonaataa inay Shacabka Xariirta ah ee Somaliland ka koreen shaqsi Danihiisa uga faa'idaysta dareenkooda." Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal cismaan Cabdilaahi.


hadalka xildhibaan Jamaal ayaa daba socda hadal uu Barkhad Batuun ku sheegay in Muuse Biixi aanu Gobolnimo larabin Gobolka Hawd.
     
Loading...