Maxay yihiin caadooyinka ay leeyihiin dadka badi aan waligood xanuunsan?

Wednesday March 27, 2024 - 10:54:36
Hadhwanaagtv
Cuntooyinka khudaarta ,ku midhaha leh waxay...

Xanuunka iyo caafimaadkaba Illaahay baa haya, sidaana weynu aaminsanahay , haddii aynu nahay Muslin, balse waxaa hubaal ah in xanuunada badi ay ku yimaadaan wax aynu gacmaheenna ku keensanay. Sida si la mid ah dadka caafimaadkooda ilaaliya , waxaa ka dheeraanaya xanuunka. Haddaba dadkani waxaa ay leeyihiin caadooyin caafimaad kuwaasi oo kor u qaada habdhiska difaaca( immune system) waxayna noqdaan kuwo badqaba. Caadooyinka ay leeyihiin dadkaasi waa kuwan soo socda:

1. Jimicsi joogto ah.

Jimicsiga joogtada ahi wuxuu kordhiyaa habdhiska difaaca , wuxuu horumariyaa caafimaadka wadnaha. Wuxuu xakameeyaa miisaanka jidhka. Uma baahnid jimicsi xoogga, keliya waa mid fudud sida socod aad samayso, baaskiil aad kaxayso iyo qaar kale oo la mid ah.

2. Cunto dheelitiran

Cuntooyinka khudaarta ,ku midhaha leh waxay door weyn ka ciyaaraan in difaacu si habboon u shaqeeyo.
Cunnada qaniga ku ah vitamin C iyo D waxa ay kor u qaadaan difaaca jidhka.
Waa inaad caado ka dhigatid cunnida cunto dheelitiran.

3. Hurdo sax ah.

Hurdada wanaagsani ee tayada leh oo la joogteeyo, waxa ay muhiim u tahay habdhiska caafimaadka.
Dadka waaweyni waa inay 7-9 saacadood seexdaan habeen walba. Hurdada wacani waxa ay jidhka ka caawisaa in uu iskii isku hagaajiyo , waxayna xakamaysaa dheecaannada warwarka(regulates stress hormones)

4. Ka dheerow balwadaha xun

Cabidda sigaarka iyo adeegsiga balwadaha maandooriyaha waxa ay qeyb weyn ka qaataan in khatar uu galo caafimaadku. Mar kasta oo laga dheeraado balwadahaa xun waa mar kasta oo caafimaadka jidhku guud ahaan waaro.

5 . Maamulidda warwarka

Warwarka ama isku-buuqu waxaa uu daciifin karaa habdhiska difaaca, waxaana uu jidhka ka dhigayaa mid u nugul xanuunka. Hababka lagu maamulo walaaca sida neefta si qoto dheer loo qaato( deep breathing exercises) rajo wacan oo aad nafta tusto. (Innagu waxa aynu ku dareynaa Xadhiga Illaahay oo la qabsado , waayo isagaa ah gargaaraha ugu weyn)

6. Ilaalinta nadaafadda

Gacmaha oo si joogta ah loo maydho. Nadafadda afka oo la wanaajiyo. Degaanka aad ku nooshahay oo la nadiifiyo, waxay keentaa in aannu faafin jeermisku.

7. Cabidda biyo kugu filan

Cabidda biyo nadiif oo kugu filan, waxay si dabeeci ah jidhka uga caawiyaan in uu iska saaro sunta iyo jeermisyada kale ee sababi kara xanuun in uu dhasho.

Ugu dambeyntii qodobbadan aynu sare ku soo xusney , haddii caado laga dhigto oo si maalinle ah loo fuliyo, waxay keenaysaa in dadku iska caabiyaan xanuunka.

Xaqiiqdii dabeecadahani ma damaannad qaadi karaan caafimaadka boqolkiiba boqol in habdhiska difaaca , ka difaacaan xanuunka, balse waxay yareeynayaan dhibaatada.

Qore: Joy
W/T: Maxamed Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...