Wasiir Milgo Sanbaloolshe oo ka hadlaysay madasha gunaanadka 16-ka maalmood
Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska JSL marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe ayaa sheegtay inay ku dedaalayaan ka hortaga tacadiyada loo gaysto Haweenka, Carruurta iyo bulshada nugul ee baahiya gaarka ah qab.
Wasiir Milgo Sanbaloolshe oo ka hadlaysay madasha gunaanadka 16-ka maalmood ee ka hortaga iyo waycigelinta tacdiyada Haweenka, Carruura iyo dadka nugul ayaa tilmaantay inay ka shaqayn doonaan sidii ay u xakamayn lahaayeen tacdiyada lagula kaco Haweenka, waxaanay bulshada ugu baaqday inay la soo xidhiidhaan wasaaradda marka ay la kulmaan tacdi, si wasaaraddu wax uga qabato.
Waxay tidhi "Waanu wadaynaa in aan ka hortagno tacdiyadda loo gaysanayo Haweenka, Carruurta iyo dadka Nugul”.