Maxay yihiin caadooyinka wanaagsan ee ay tahay inaad lahaato?

Saturday April 20, 2024 - 10:39:38
hadhwanaagtv
Saddex caado oo ay tahay inaad ku shaqayso 2024-ka:


Maxay yihiin caadooyinka wanaagsan ee ay tahay inaad lahaato?

 

Saddex caado oo ay tahay inaad ku shaqayso 2024-ka:

 

1. Jooji riyada.Bilow qorshaynta.


 

Haddii aan la daalaadhacey oo u guclaynaayay in aan guuleysto; waxaa aan la dhibaatoonayay gu'yaal. Riyadu waxa ay iga dhigtey inaan maleeyo, wax ka baxsan xaqiiqda. Dhabtii riyooyinkaasi waxa ay noqdeen kuwo ayna maangal ahayn in ficilkoodii la keenno.


Qorshayntu waxa ay igu caawisay in riyooyinkii ka dhigo kuwo dhab ah oo waliba suuragal ah.

Qorshayntu waa sida aan hore ugu wadi lahaa. Riyo kaliya wax ma tarto. Qorshaa meel lagu gaadhaa.


Horumari caadada qorshaynta

( develop the habit of planning)

 

2. Ha suggin si aad u bilowdo.


 

Waan suggay. Waligayna maan helin waqtigii ku habboonaa. Cudurdaar aan xad lahayn ayaa oodda soo goostey. Waad bilaabi doontaa... waad bilaabi doontaa... ayaa uu waqtigu igaga dhammaadaa. Maalinba maalin ayay ii dhiibtaa. Maanta waxaa aan ogaaday in amminta ugu wacan ee wax la bilaabaa ay tahay hadda(now)


Waligaa ha suggin si aad u bilowdo; haddii aad sugtidna waligaa bilaabi maysid!


(Stop waiting to get started)

 

3. Jooji inaad sugto intey xaaladuhu

is-beddalayaan.


 

Waxaa aan dabin ugalay oo aan dhibbane u noqday hab fikirkeyga. Waxaa aan dareemay niyadjab. Marka dhibaatooyinka adag ee aan wax-ka-qabashada lahayni la tageen noloshayda; waxaa aan si fudud diiradda u saari jirey caqabadaha, balse tani waxba kama beddali jirin xaaladeyda; tani waa dabin adag!


Marka ay nafteydu dhibaatooyinka iyo culeysyada la -lagdanto, waxaa aan helay hal waddo oo aan ku furdaamiyo, taasi oo ah: waa in aan hal shay diiradda saaro si aan u hagaajiyo.


Horumari caadada ah inaad marka hore wax yar wax ka qabto. Yaryareyso marka hore. Carqallad kasta oo ku soo foodsaarta, horta marka hore waxyar ka qabo, waxba ha is-odhan awoodeeda u wada badheedh.


 

W/T: Maxamed Haybe Axmed.

Source: Hector quintanilla.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...