Taiwan iyo JSL:- Tababbar Casriya oo Lagu Dhisayo Mustaqbalka Beeraha

Saturday July 05, 2025 - 14:01:08
hadhwanaagnews
Socdaalkan aqooneed waxa uu ka tarjumayaa aragti fog iyo qorshe i



Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta aqoonta iyo xirfadda khubarada wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada cilmi-baadhista iyo fidinta beeraha. Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista iyo Fidinta, ayaa si rasmi ah u sagootiyey laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo u ambabaxay dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan si ay halkaas uga qayb-galaan tababbar sare oo la xidhiidha beeralayda casriga ah.

 

Socdaalkan aqooneed waxa uu ka tarjumayaa aragti fog iyo qorshe istiraatiiji ah oo lagu dhisayo beeraha casriga ah ee Jamhuuriyadda Somalialnd, lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalka, sidoo kalena lagu dhisayo awood xirfadeed ee shaqaalaha wasaaradda. Waa is-dhexgal cusub oo ku saleysan cilmi iyo farsamo, loogana golleeyahay dhismaha mustaqbal ifaya oo waara oo ay dhaxlaan beeraleyda Somaliland.

 

Ujeeddada tababbarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha gaar ahaan dhicyada cilmi-baadhista iyo fidinta beeraha, iyada oo diirradda la saarayo:

 

Kordhinta awoodda cilmi-baadhista ee ku saleysan hababka casriga ah ee beerashada;

Barashada iyo la-qabsiga farsamooyinka cusub ee wax-soo-saarka iyo maaraynta beeraleyda;

Dhisidda iskaashi joogto ah iyo xidhiidh cilmiyeed oo dhexmara Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka iyo horumarinta cilmiga beeraha;

Helidda farsamo-yaqaanno aqoon sare u leh teknoolojiyadda casriga ah, kuwaas oo door muuqda ka qaadan kara horumarinta waaxda beeraha ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa ku tilmaamay safarkan fursad qiimo leh oo qayb ka ah dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto in la helo aqoonyahanno khibrad u leh beeralayda casriga ah iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka dalagyada beeralayda Somaliland.

 

"Tababbarkan waxa uu dhabbaha u xaadhayaa yoolka ay wasaaraddu leedahay ee la xidhiidha horumar waara oo ka dhaca xagga beeraha, iyadoo la adeegsanayo aqoon, cilmi, iyo teknoolojiyad casri ah,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland waxay mar kale muujinaysaa sida ay uga go’an tahay in laga dhigo beeraha dalka kuwo casri ah oo wax-soo-saar leh, loona dhiso beeraleyda aqoon iyo xirfad ay mustaqbalkooda ku dhisan karaan. Iyada oo iskaashiga lala leeyahay Taiwan uu yahay mid u furaya Somaliland waddooyin cusub oo dhinaca horumarka beeralayda ah iyo ka faa’iidaysiga hannaanka cilmi-baadhisyada iyo tiknoolojiyadda wax-ku-oolka ah.

 

Tababbarkani wuxuu si toos ah u xoojinayaa awoodda shaqaalaha iyo khubarada muhiimka ah ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha, gaar ahaan waaxda cilmi-baadhista oo laf-dhabar u ah fulinta yoolka qaran ee ku wajahan horumar waara iyo wax-soo-saar beereed oo joogto ah.

 

Sidoo kale, tallaabadani waxay tusaale cad u tahay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland kor u qaadista wax-soo-saarka dalagga dalka, hirgelinta isbeddello waara, iyo samaynta xalal ku saleysan aqoon iyo farsamo. Tani waxay suurtogal ka dhigaysaa in la horumariyo xirfadaha beeraleyda iyo adeegyada fidinta, iyadoo laga faa’iidaysanayo iskaashi caalami ah oo xooggan.

 

Gunaanad

 

Safarka shaqaalaha Wasaaradda ee Taiwan wuxuu ka mid yahay talaabooyinka horumarineed ee istiraatiijiga ah ee lagu dhisayo beeraley casri ah, wax-soo-saar waara, iyo awood xirfadeed oo gudaha ah. Waa is-dhexgal muhiim ah oo cilmi iyo tiknoolojiyad ku saleysan, loogana golleeyahay dhismaha mustaqbal ifaya oo wax-tar u noqda beeraleyda Somaliland.

     
Loading...