Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa intii uu ku gudo-jaray safarkiisi magaalada Boorame waxa uu si rasmi ah xadhigga uga jaray warshad casri ah oo dhalinaysa Oxygen, taasoo laga hirgeliyey dhakhtarka weyn ee magaalada Boorama. Dhacdadani waxay calaamad u tahay isbeddelka ballaadhan ee laga filayo siyaasadda caafimaadka ee xukuumadda waxqabad iyo wadajir.
Warshaddan cusub ee Oxygen-ta dhalisa waxay ka jawaabaysaa baahi degdeg ah oo muddo dheer ka jirtay cisibtaalka magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, taasoo ahayd helitaanka Oxygen tayo leh oo si joogto ah u gaadha xarumaha caafimaadka, gaar ahaan marka ay timaaddo xaalado degdeg ah oo naf-badbaadin ah. Tani waa tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday, iyadoo si weyn u yareyn doonta kharashka iyo waqti lumiska la xidhiidha keenista Oxygen-ka meelaha kale.
Dhanka kale, dhagax-dhigga dhismaha Dhakhtarka Maanka (Dhimirka) ayaa muujinaya in xukuumaddu ay si dhab ah u arkayso muhiimadda ay leedahay in bulshada la daryeelo caafimaadkooda dhimirka. Xanuunnada la xidhiidha maskaxda iyo maanka ayaa muddo dheer ka mid ahaa arrimaha laga xishoodo in laga hadlo ama la raadiyo daryeel rasmi ah, waxaana tallaabadan loo arki karaa mid jebinaysa xayndaabkii aamusnaanta iyo eedeynta bulshada dhexdeeda ka jirtay.
Wargeysa Dawan waxa uu bogaadinaynaa in Madaxweynaha iyo xubnaha xukuumadda ee ku wehelinayey munaasabadahan ay muujinayaan ballanqaad muuqda oo ku wajahan horumarinta adeega caafimaadka. Gobolka Awdal oo ah mid istaraatiji ah isla markaana leh baahi adeegyo caafimaad.