Daahfurka nidaamka casriga ah ee lagu maamulayo habraaca maaliyadeed ee wakaaladaha biyaha, oo si rasmi ah looga hirgeliyey magaalada Gabiley, ayaa astaan u ah horumar muuqda oo laga samaynayo dhinaca maareynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Tallaabadan oo ay qaaday Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Somaliland waxay ka turjumaysaa himilada dowladda ee ku aaddan hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo loo fidiyo bulshada.
Nidaamkan cusub ayaa loogu talagalay in uu si gaar ah u xoojiyo maamulka dhaqaalaha wakaaladaha biyaha, isagoo fududaynaya habraacyada diiwaangelinta, dabagalka dakhliga iyo kharashaadka. Waa nidaam kor u qaadaya daahfurnaanta iyo isku hallaynta adeegyada, gaar ahaan marka la eego sida maaliyadda loo maamulo iyo sida adeeg bixintu ula jaanqaaddo baahiyaha bulshada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in nidaamkani noqon doono mid lagu mideeyo habka maamul ee wakaaladaha biyaha dalka oo dhan, taas oo fure u noqon karta hannaan mideysan oo sahla in si caddaalad ah loo qaybiyo khayraadka biyaha. Waxa kale oo la qorsheeyey tababaro rasmi ah oo lagu qalabeynayo shaqaalaha si ay si buuxda uga faa’iidaystaan nidaamka, loogana hortago caqabadaha farsamo ee suurtogalka ah.
Waxa xusid mudan in nidaamyada casriga ah ee noocan oo kale ahi ay yihiin kuwa aas-aasi u ah dowlad wanaagga, maamul daahfuran, iyo koboca dhaqaale ee waara. Marka nidaamkan laga hirgeliyo guud ahaan gobollada dalka, waxa la filayaa in uu wax weyn ka beddelo tayada adeegyada biyaha iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladda.
Tani waa tusaale kale oo muujinaya sida Somaliland uga go’an tahay inay horumariso adeegyada bulshada iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyadda iyo habraacyada casriga ah.