Milkiilaha huteelka, Joyce Wangari, ayaa booliiska u xaqiijisay in Mwangi
Meydka gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Axmed ayaa laga helay huteel ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi, subaxnimadii Isniinta, September 1 .
Warbixin laga diiwaangeliyay saldhigga booliiska Mariguini, ayaa lagu sheegay in Farxiyo ay huteelka soo gashay habeenimadii Axadda, 31 August 2025, waxaana la socday nin lagu magacaabo Chelsea Mwangi .
Milkiilaha huteelka, Joyce Wangari, ayaa booliiska u xaqiijisay in Mwangi uu bixiyay lacag dhan 400, ka hor inta aysan labada qof qolka kiraysan. Habeenkaas ayay halkaas ku wada hoydeen labadooda.
Subaxnimadii Isniinta, haweenay shaqaale ah oo hawlo nadaafadeed ku jirtay magacadeena lagu sheegay Moraa ayaa ka war heshay in albaabka qolka usan xiraneyn taas oo ku dhalisay shaki. Markii ay gudaha u gashay, waxay ku aragtay meydka Farxiyo oo sariirta dul yaalla, iyadoo qolka dhiig uu lahaa kaasoo ka soo qubanayay afka iyo sanka gabadha .
Booliiska ayaa si degdeg ah loogu wargeliyay, waxaana la bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo sababaha dhaliyay geerideeda.