"Qaramaynta Ciidanka Madanigu waa Danta Dalka iyo Danta Ummada" Madaxwayne ku-xigeenka JSL

Wednesday April 09, 2025 - 09:52:00
hadhwanaagnews
Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay..



Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo bilihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada bariga dalka Somaliland ayaa shalay gaadhay Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, waxana Madaxwayne ku xigeenka halkaasi ku soo dhaweeyey Maamulka heer gobolka iyo heer degmo ee gobolka Saraar, wasiiro Xildhibaano, Oday dhaqameed, Haween, Mudan iyo marti sharaf kale.

 

Socdaalka Madaxwayne ku xigeenku uu ku tagay Magaalada Caynaba ayaa u jeedkeedu daaranaa Qaramaynta Ciidamada madaniga oo hawshoodu labadii bilood ee la so dhaafay ka socotay gobolada bariga dalka isla markaana Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Nimcaan Gaaxnuug marba inta la qarameeyo uu si toos ah ugala wareegayey Madaxwayne ku xigeenka si ciidamada madaniga ee la qarameeyey maamul ahaan u hoos tagaan Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la soo afjaro ciidanka madaniga ah si helo hal ciidan oo sharci ah, sidoo kalena waxa uu ka mahad celiyey soo dhawaynta caynaba loogu sameeyey iyo sida ay dadka reer caynaba diyaarka ugu yihiin qaramaynta ciidmada madaniga ah.

 

”Waan idinka gudoonay sida fiican ee aad noo soo dhawayseen, waanay idinka muuqataa in aad diyaar u tihiin Hawshii aanu soo wadnay ilaa Sanaag, waxan u malaynayaa in aad naga farxin doontaan, waxanu rajaynaynaa in aanay muddo badan naga qaadanin qaramayta ciidanka madanigu” Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

 

Geesta kale madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi. ” Qaramaynta Ciidanka madanigu waa danta dalka, waa danta umada waa danta umadii tabcaysay ee soo dhaweeyey ee difaacayey qaranka, dawladnimadana ilaaliyey”

 

Gabagabdii madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa bogaadiyey shacabka gobolka Saraar iyo ciidanka madaniga ah ee deegaankaasi isagoo ku tilmay in ciidanka madanigu qaranka difaaceen ka xukuumad ahaana ay ogyihiin dadaalka nafhurka ah e ay qaranka Somaliland ku difaaceen, hada wixii ka dambeeya ay dhamaan ciidanka madanigu noqon doonaan ciidan hela xuquuqda ay helaan ciidamada qaranka.

     
Loading...