DEG DEG "Xubnaha Soomaaliya ee Wada-hadalka Itoobiya loo Diray Waa Kuwo aan Dawladnimo Waxba ka Aqoon.." Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya.

Saturday August 31, 2024 - 12:39:32
hadhwanaagtv
Xogta wada hadalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhex maray magaalooyinka ...


Dawladda Itoobiya, ka hadashay xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika gaar ahaana dhaq dhaqaaqyadda ciidan eemaalmahan danbe ay dawladda Masar ka waday Soomaaliya.


 

Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa, ayaa ka hadlay xaalka u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.


 

Waxaanu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya shirkiisa jaraa’id qodobo la xidhiidha wada hadaladii dhex maray iyaga iyo kuwa DFS, la dagalaanka argagixisadda, iyo arrimo kale.


 

Xogta wada hadalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhex maray magaalooyinka Ankara iyo Nairobi, ayuu kusheegay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya in dhankooda ay diyaar u ahaayeen sidii xal loo gaadhi lahaa, balse sababaha loo heshiin wayay ay kamid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaarinayeen oo ay abuurayeen wax aan meeshaba oolin.


 

Madaxda DFS iyo xubnaha wada hadalka loo diray ayuu ku sifeeyey kuwa aan dawladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aanay dawladnimo shaqo ku la hayn oo ay madaxdu yihiin kuwa mashaariicaysteyaal.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig iyo in loo dhintay, lacag iyo hub, si nabada iyo dawladnimada salka loogu saldhigo. Laakiin, Soomaaliya ay abaal celin samayn wayday, madaxduna u dhaq mayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegaynin.


 

Waxa kaloo uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, arrimaha la dagaalanka argagaixisadda Soomaaliya, oo uu ku sifeeyey in ay noqotay Kooxaha ugu taajirsan ee Caalamka joogta.


 

Waxaanu sheegay in Itoobiya, ay si adag ula dagaalantay oo ay ka shaqaysay in meesha laga saaro, laakiin madaxda Soomaalidu aanay daacad ka ahayn la dagaalankooda oo ay mar kasta ka shaqeeyaan wax aan Argagixisada aan soo afjaraynin.


 

Geesta kael wasiirka amuuraha dibadda Itoobiya, waxa uu ka hadlay dhaq dhaqaaqyadda ciidan ee ay dawladda Masar ka wado Soomaaliya, isagoona sheegay in ⁠Imaanshaha Masar, aanay maslaxad iyo dan midna u ahayn Soomaaliya iyo gobalka Geeska Afrikaba, Itoobiya ayuu sheegay in ay indhaha kuhayso dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in aysan caafimaad qabin, oo aysana gacmaha ka laaban doonin.

     
Loading...