Khudbadii Wasiir Fiqi ee wadahadalka Somalia iyo Itoobiya oo tarjuman (Aqriso)

Wednesday August 14, 2024 - 08:35:23
Hadhwanaag
Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad


May be an image of 1 person and dais


Hadal jeedinta Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Macallin Fiqi ee shirkii 2-aad ee ku soo dhamaaday shalay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga 2-aad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhacay Ankara. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka. Wadahadalkan wareeggiisa 2-aad waxaa laga gaaray horumar. Soomaaliya waxaa si adag uga go’an ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhulkeeda.

Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadallada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa mudane Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay dhexdhexaadinta wadahadalladan, waxaana diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno si xal loogu helo xiisadaha gobolka".
     
Loading...