Waa sidee xaalka ardayda Soomaalida ee Bangladesh ka dib baxsashadii ra'iisul wasaarihii dalkaas.

Tuesday August 06, 2024 - 08:34:33
hadhwanaagtv
Arinkaan ayaana soo afjartay taladii ra'iisul wasaarenimo




Ra'iisul wasaarihii Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa is casishay waxa ayna ka tagtay dalkeeda ka dib toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo ay ardaydu horkacayeen kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac waxa ayna is qabsadeen guud ahaan dalkaas.

 

Haweeneydaan oo 76 jir ah ayaa raacday diyaarad helikobter ah Isniinta maanta, iyada oo ku sii jeeday dalka Hindiya, kadib markii ay kumanaan mudaharaadayaal ah ay weerareen gurigeeda oo ku yaala magaalada Dhaka oo ah caasimadda dalkaas.

 

Arinkaan ayaana soo afjartay taladii ra’iisul wasaarenimo ee Hasina, taas oo ahayd qofkii ugu muddada dheeraa ee dalkaas soo xukuma in ka badan 20 sano.

 

Haweeneydaan ayaa sanadihii u danbeeyay lagu eedeynayay in ay isku badashay kali talis, taasina waxa ay sababtay mudaharaadyo waaweyn oo ugu dambeyn ku kallifay in ay dalka isaga baxdo sidoo kalena xilka iska casisho.

 

Bishii Janaayo ayay ahayd markii ay ku guuleysatay dib u doorashadeeda, inkasta oo si weyn loo dhaliilay qaabka ay ku soo baxday, balse iyadu waa ay iska fogeysay eedeymahaas.

 

Waa tuma Sheikh Hasina

Waxa ay dhalatay sanadkii 1947, qoyskeeda ayaana ah Muslim ku nool bariga Bengal, Hasina ayay siyaasaddu dhiiga kaga jirtay waligeedba.

 

Aabaheed waxaa lagu magacaabaa Sheikh Mujibur Rahman, waxa uuna ahaa hogaamiyihii wadaniga, sidoo kale waxa uu ahaa aabaha qaranka waxa uuna hogaaminayay xornimadii ay ka qaateen dalka Pakistan sanadkii 1971, xiligaasna waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay.

 

Haweeneydaan ayaan xili hore sameysatay sumcad iyo in ay kor uqaado damaceeda siyaasadeed iyadoona dhaqdhaqaaq ka soo billowday in ay hogaamiso ardayda Jaamacadda Dhaka.

 

Aabaheed iyo qaar kamid ah qoyskeeda ayaa la dilay kadib afganbi militari oo dhacay sanadkii 1975, waxaana xiligaas badbaaday Hasina iyo walaasheed ka yar iyagoona dalka isaga cararay.

 

Ka dib muddo ay ku nooleyd dalka Hindiya Sheikh Hasina waxa ay dib ugu laabatay Bangladesh sanadkii 1981, iyadoona xiligaas noqotay hogaamiyaha xisbiga Awami League oo uu aabaheed horay u hogaamin jiray.

 

Waxa ay ku biirtay xisbiyada kale ee siyaasadda iyadoona ka qeyb qaadatay mudaharaadyo ay wadooyinka ku dhigayeen dimuquraadiyiinta kuwaas oo ka soo horjeeday xukunkii militariga oo uu horkacayay janaraal Hussain Muhammed Ershad, xiligaas ay Hasina horkaceysay mudaharaadyada waxa ay hogaaminaysay kacdoono caan noqday, iyadoo noqotay astaan qaran.

 

Markii ugu horeysay ayaa xukunka loo doortay sanadkii 1996, iyadoo ku kasbatay heshiis biyo wadaag ahaa oo ay la gashay dalka Hindiya iyo heshiis nabadeed oo ay la gashay jabhado is abaabulay oo qabiil ahaa kuwaas oo ka soo jeeday koonfurta bari ee dalkaas.

 

Laakin isla markaas, dowladeeda waxaa lagu dhaleeceeyay heshiisyo ganacsi oo badan oo la musuq maasuqay iyo in ay aad ugu hogaansantay India.

 

Balse sanadkii 2001 ayay lumisay haweeneydii ray’sal wasaaraha ka soo noqotay dalkaas 1991 ilaa 1996 oo ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan xisbiga wadaniga ah ee Bangladesh.

 

Xiligaas wixii ka danbeeyay Sheikh Hasina waxa ay la kulmeysay mucaarad iyo dad badan oo ka aragti duwanaa, iyadoo dadka ka faalooda siyaasadda ay sheegeen in dalkaasi uu soo maray qulqulatooyin siyaasadeed iyo rabshado ay kamid yihiin in ay dhacaan dilal sharci darro ah, in gudaha dalka ay ka dhacaan weeraro bambooyin iyo rabshado kale.

 

Muddo xaalado ay taagnaayeen ka dib, Sheekh Hasina ayaa xilka isaga dagtay sanadkii 2001 waxa ayna saaxadda ka maqneyd ilaa 2009 xiligaas oo dib loo doortay kadib codbixin dhacday oo lagu dhisayay dowlad ku meel gaar ah.

 

Intii ay ka maqneyd saaxadda siyaasadda waxa ay soo qaadatay xabsi kadib markii mucaarad ahaan loo xiray, sidoo kale waxa ay dhowr jeer ka badbaaday isku day dil, oo uu ku jiro mid dhacay sanadkii 2004, xiligaas oo dhanka maqalka wax ka soo gaareen, sidoo kale haweeneydaan ayaa ka badbaaday dadaalo lagu doonayay in dalka looga musaafuriyo iyo kiisas badan oo maxkamadeed waxaana lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

 

Balse Hasina ayaa ku dooday in ay kor u qaaday dhaqaalihii dalkaas, waxa ayna sheegtay in ay ka sara marisay dalka dariska la ah ee Hindiya

 

Saameynta mudaharaadyada ay ku yeesheen ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Bangladesh

Mudaaharaadyadii u dambeeyay ayaa ahaa caqabadii ugu cusleyd ee ay la kulanto Ms Hasina tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, waxa ayna daba socotay doorasho muran badan dhalisay oo xisbigeeda dib loogu doortay markii afraad oo xiriir ah muddo xileedka baarlamaanka.

 

Mudaharaadyada ayaana saameeyay waxkasta oo ka socday dalkaas, dadka ay saameynta ku yeelatay waxaa kamid ah arday Soomaaliyeed oo dalkaas u joogtay waxbarasho.

 

Maxamed Cabdiqani Axmed oo kamid ah ardayda dalkaas u joogtay waxbarashada ayaa BBC-da uga waramay saameynta ay ku yeelatay dibadbaxyada dalkaas gilgilay waxa uuna yiri, ‘’Dibadbaxyada oo ku bilowday arday diidan kooto ama qeyb ka mid ah shaqooyinka dowladda oo loo xiray dadkii wadanka u halgamay iyo caruurtoodii, kootadaas oo gaareysa bololkiiba soddon, taas oo maxkamadda saree e wadanka u xirtay, taas ayaana sababtay mudaharaadka ardayda,’’ ayuu yiri Maxamed.

 

Waxa uu intaa ku daray in dabadbaxa oo marka hore ka yimid ardayda uu ku faafay guud ahaan dalka, iyadoo ay ku soo biireen dad ka cabanayay maciishadda iyo sicir bararka.

 

Maxamed ayaa soo hadal qaaday in saameynta ugu weyn ee ay ku yeesheen haddii ay yihiin ardayda Soomaaliyeed ay tahay waxbarashadii oo ka joogsatay iyo in aysan magaalada aadi Karin maadaama ay xaaladdu adag tahay,

 

Mudaharaadyadan ayaa sababay in xilka ay iska casisho sidoo kalena ay dalka isaga cararto ra'iisul wasaarihii Bangladesh Sheikh Hasina Wazed, iyadoo dalkaasi uu galay xaalad amnigii uu faraha ka baxay, waxaana la arkayay burburka iyo gubashada ay sababeen mudaharaadayaasha.


bbc/somali

     
Loading...