Maxay Soomaalida Maraykanka uga dhigan tahay guusha ay mar kale gaartay Ilhaan Cumar?

Wednesday August 14, 2024 - 12:36:38
Hadhwanaagtv
Waa tuma Ilhan Cumar?


Ilhaan Cumar oo wajigeeda farxadi ka muuqata ka dib guushii ay gaartay

Ilhaan Cumar ayey mar kale xalay u ahayd habeen adag ka dib muddo bila ah oo ay orod ugu jirtay inay hesho tigetka mataaladda ee Minnesota ee aqalka Congreska.


 

Ilhaan Cumar, ayaa difaacatay tartankii doorashada hoose ee Minnesota, sida ay u sheegtay warbaahinta Mareykanka.

 

Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka.

 

Marwo Cumar waxa ay tartankan horudhaca ah kula tartamaysay saddex musharax kaas oo lagu go’aamin lahaa musharaxa xisbiga waxana ay hadda noqonaysaa murshaxa xibsiga ee doorashada November.

 

Ilhaan ayaa ka guuleysatay Don Samuels oo la tartamayey ayna isku xibsi yihiin, waa markii labaad oo isku xigta oo Ihaan CUmar ay nin kaga adkaato doorashada is reeb reebka ee kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota.

 

Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa si weyn u hadal hayyey doorashadan toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo loo arkayey mid ka mida tartamadii ugu adkee ee mataalada kurisigaasi.

 

Iyadoo 99% codadka la tiriyay habeenimadii Talaadada, wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in Ms Omar ay ku guulaysatay 67,524 cod, oo u dhiganta in ka badan 56%.

 

Waxaa kaalinta labaad galay Don Samuels, oo horay uga tirsanaan jiray golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, kaasoo sidoo kale si dirqi ah Ilhaan ugu adkaatay sanadkii 2022-kii.

 

Ku dhawaqista guusheeda ka dib Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guusha ay gaartay ay u ahyad guul weyn oo ay ku faraxsan tahay.

 

"Waa guul aan rajaynayey intii aan rajaynayey in ka badan ayey noqotay, doorasho adag ayey ahayd waxkasta ayey isku dayeen ilaah ayaa noo fududeeyey.”ayey tiri Ilhaan.

 

Waxay si gaara ugu mahadcelisay Soomaalidii u soo baxay si ay ugu codeeyaan.

 

Ilhaan, ayaa sheegtay inay in tani tusinayso in dadkii ka soo horjeeday ay ka badnaayeen kuwii doonayey.

 

Maxay Soomaalida uga dhigan tahay?

 

 

Boqolaal ka mid ahaa taageerayaasheeda oo ay Soomaali badan ka mid yihin ayaa ku sugnaa hoolka natiijada looga dhawaaqayey iyadoo la maqlayey sacab iyo sawaxan markii la sheegay in Ilhaan ay heshay guusha.

 

Xaashi Shaafi, oo deggan Minnesota, in badan ka shaqeeyey doorashada dalkaasi ayaa xusay in waxa doorashada adkeeyey ay ahay in dad badani doonayeen inay meesha ka saareen.

 

"Waxaa isugu tagay Ilhaan necayb badan oo kala duwan, iyagoo Jamhuuri iyo Dimuqraadi leh ayaa dhaqale aad u badan galiyey in gabadheena laga qaado booska” ayuu yiri Xaashi.

 

Xaashi, wuxuu shegay in guushii xalay ee Ilhan ay ka xoog badnay habeenkii ugu horreeyey ee la doortay Ilhaan.

 

"Runtii waxaan ku seexday niyad xumo waayo dadkeyga ma dareen sanayn inta xanuunku le’eg yahay. Ilhaan waa mid aan la joojin karin” ayuu intaas ku daray Xaashi.

 

Guusha hadda ayuu sheegay Xaashi, inay keentay in dadka degan degmada shanaad ee laga soo doorto ee iyadu matasho in saddexdii hore ee ay u shaqanaysay si hufan.

 

Ra'yi ururin hore ayaa soo jeediyeen in Marwo Cumar ay ku guulaysan doonto loolanka.

 

Ilhan Cumar ayaa intii ay olalaha ku jirta waxay taageero ka heshay siyaasiyiin caana oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga oo ay ka mid ahaayeen Senator Bernie Sanders iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, oo u tartamaya jagada madaxweynaha.

 

Waa tuma Ilhan Cumar?

 

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo ku guulaysatay xildhibaan aqalka Wakiilada sanadkii 2019-kii iyadoo sidoo kale noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

 

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

 

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra'iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaasi.

 

Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta.

 

Ilhan ayaa waxa uu horay dagaal afka ah u dhexmaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo hadda mar kale u tartamaya aqalka waxaana ay hadallo kulul isu marin jireen hawada.

bbc/somali

     
Loading...