"C/risaaq Khaliif oo ina Dafiray Cirro iyo Xirsi Maxay Addis Ababa Kula Qorsheeyeen

Sunday September 15, 2024 - 08:14:16
hadhwanaagnews
Murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye..



Murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ahna wasiika wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa su’aal galiyay safar uu sheegay inay murashaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani iyo gudoomiyaha xisbigaasi ay kula kulmeen Cabdirisaaq Khaliif oo hore Somaliland u dafiray, waxaanu sheegay in ay tahay in la is waydiiyo waxa ay wada qorshaynayeen.

Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigayay barnaamij siyaadaseedka Kulmiye oo Hargaysa lagu qabtay ayaa xusay inuu xisbiga Waddani qayb ka ahaa dagaalka Laascaanood iyo jaqbkii ciidanka Qaranka.

Murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in xisbiga Waddani uu awood galiyay sidii uu gudoomiyaha Baarlamaanka u noqon lahaa Cabdirisaaq Khaliif oo aan aaminsanayn Qaranimada Somaliland, taasi oo uu sheegay inay tilmaamayso inay la fikir yihiin.

Geesta kale wasiir Saajin ayaa sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka marag kacay in ay midnimada ka wada shaqynayaan xisbiga Waddani, haddii ay doorashada ku soo baxaan oo ay ku guulaystaan madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland xisbiga Waddani oo inta badan aan ogolayn Qaranimada Somaliland iyo difaaca dalka.

Gebo-gabadii wasiir Saajin ayaa ka hadlay in mar kasta uu xisbiga Waddani ku goodiyo in haddii doorashada laga helo aan dalka iyo dadku wada joogi dooni, waxaanu tilmaamay inay tahay calaamadaha muujinaya in aanay ku niyad samayn masuuliyiinta xisbiga Waddani qabsoomid doorashooyinka.

     
Loading...