Sidee saaxiibbadu u saameyn karaan caafimaadka iyo cimrigaaga?

Sunday July 28, 2024 - 11:04:16
hadhwanaagtv
Saynis yahan kasta oo wanaagsan waa inuu had iyo jeer

 

Saaxiibbo


Ma ogtahay in xiriirka aad bulsho la leedahay in uu saamayn ku wayn ku yeelan karo caafimaadkaaga, si maalinle ah. Qoraa lagu magacaabo David Robson, ayaa buug cusub oo uu qoray oo ku saabsan xiriirka wuxuu ku sahamiyay caddaymaha iyo sababaha ka dambeeya arrintaan la yaabka leh.

 

Haddii aad u fiirsato fikradaha cusub ee laga qoray ama lagu daraaseeyay cimri dhererka iyo caafimaadka qabka aadanaha, waxaad ogaaneysaa in wax badan diiradda la saarayo xiriirada dadka wada leeyihiin. Dadka leh saaxiibbo horumarsan, ayaa naloo sheegay, in laga yaabo inay ka caafimaad badan yihiin kuwa dareemaya go'doon ama kelinimo.

 

Is dhexgalka aan la leenahay dadka kale ayaa waxa la sheegay in ay saameyn wayn ku leeyihiin cimri dherarkeena, waxaana Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay abuurtay guddi cusub oo baraha bulshada dadku ugu yeera " in mudnaanta la siiyo caafimaadka dunida."

 

Waxa kale oo la ogaaday in saaxiibtinimadu ay saameyn karto qaybo badan oo jirka bani'aadamk ah, laga soo bilaabo awoodda difaaca jirka ilaa fursadaha ay kuugu dhici karaan cudarada wadnaha.

 

Gabagabada cilmi baaristan ayaa ah mid la gaaray gunaanad sheegaya: Haddii aan rabno inaan helno nolol dheer oo caafimaad leh, waa inaan aad uga taxadarnaa dadka nagu hareereysan ama aan la macaamilno.

 

Lester Breslow oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee California waxa uu dejiyay mashruuc meel dheer gaari kara oo lagu ogaanayo caadooyinka iyo dabeecadaha qofka u horseedaya nolol wanaagsan.

 

Dulucda arrinta

 

Xiriirka dhexmara bulshadu waxa uu kor u qaadi karaa difaaca jirka iyada oo ka ilalain karta qofka infakshin ku dhaca.

 

Sannadihii 1990-maadkii, cilmi-baare Sheldon Cohen oo ka tirsan Jaamacadda Carnegie Mellon ayaa 276 qof oo ka qayb galayay cilmi baaris uu sameynayay wax ka waydiiday xiriirkooda bulsho.

 

Ka qaybgalayaashii cilmi-baarista ayaa laga baaray caabuq markaas jiray, waxaana la geliyay karantiil iyaga oo loo sheegay in ay cabaan biyo si kas ah loogu daray fayraska rhinovirus - kaas oo sababa qufac iyo hindhiso badan.

 

Shantii maalmood ee xigtay, ka qaybgalayaal badan ayaa lagu arkay calaamado muuninaya caabuqii, laakiin dadka kuwii lahaa xiriiro bulsho oo aad u kala duwan calaamadaha lagu arkay aad ayay u yaraayeen.

 

Dhab ahaantii, kuwa aan sidaas dad badan u arkay waxay saddex ilaa afar jeer uga dhawaayeen inuu hargab ku dhaco kuwa xiriirka fiican lalahaa saaxiibada, qoyska iyo dadka ay shaqo wadaagga yihiin.

 

Saynis yahan kasta oo wanaagsan waa inuu had iyo jeer ka fiirsadaa haddii arrimo kale oo jahawareer ah ay keeni karto natiijada.

 

Waa laga yaabaa in la qiyaaso in dadka ku nool kelinimada ama gooni u baxa in ay aysan jir ahaan adkayn sidoo kalana aysan firfircooneyn, marka ay waqti yar dibadda kula qaadanayaan saaxiibadood iyo qoyskoodaba.

 

Cilmi baarisyada qaar ee la smaeeyayna waxa ay muujinayaan in qofka xir-xiran uu kaga dhowyahay xanunnada wadnaha iyo xididada qofka bulshaawiga ah.

 

Guud ahaan, xiriirka bulshada ayaa door weyn ka ciyaara caafimaadka dadka marka loo eego isticmaalka khamriga, jimicsiga, buurnaanta, ama wasakhowga hawada.

 

Badbaado

 

Si loo fahmo sida cilaaqaadkeenna bulsho uu u saameyn karo caafimaadkeenna illaa xad, waxaan u baahannahay inaan tixgelinno isbadalka nololeed ee aan sameyneyno.

 

Waxay u eg tahay sida natiijada cilmi-baaristaani sheegeyso in ay kalinimadu tahay khatar aad halis ugu ah maskaxda iyo jirka bani'aadamka.

 

Waxaana laga yaabaa in sababta aan niyad xumida u dareeno marka aan kaliyowno in ay tahay in digniin ay bixineyso maskaxdu, si la mid ah sida jirku noo xanuuno marka aan jirano isaga oo noo digaya si aan u raadino badbaado oo aan bogsiino boogahayaga. Xanuunka dad ka go'a ayaa laga yaabaa inuu yimaado adiga oo is leh iska jar qaybaha qalafsan ee nolosha ee haatan biloow nolol cusub waan togan.

 

Haddii aad tobanaan sano ku qaadato go'doon iyo kalinimo, waxaad mar walba halis u sii galaysaa cudurro hor leh oo horseeda dhimasho. Si kastaba ha ahaatee, marka dadku ku raaxaystaan xiriirka bulshada ay la leeyihiin iyo taageerada uga imaaneysa, jirkoodu wuxuu joojin doonaa hababka in ay ku dhacaan infakshinnadu. waxa uuna helayaa caafimaad qab iyo in uusan u nuglaan xanuunada.


bbc/somali

     
Loading...