Waa sidee xaalada Adeegyada caalamiga ah ee adduunka ka dib khal-khalkii ku yimid nidaamyadii la adeegsanayey

Saturday July 20, 2024 - 08:52:39
hadhawanaag
Iyadoo qaar ka mid ah adeegyada diyaaradaha ay bilaabeen




 

 

Ganacsiyada iyo adeegyada adduunka ayaa si tartiib tartiib ah u soo kabanaya ka dib markii cillad IT-ga ah oo aad u weyn ay saameysay nidaamyada kumbuyuutarrada saacado Khamiista iyo Jimcahii ah.


 

Ganacsiga, bangiyada, isbitaalada iyo shirkadaha diyaaradaha ayaa ka mid ah kuwa ugu daran kadib markii shirkadda amniga internetka ee Crowdstrike ay soo saartay casriyeyn software oo saameeyay Microsoft Windows.

 

Maamulaha guud ee Crowdstrike ayaa raaligelin ka bixiyay carqaladaynta wuxuuna sheegay in la hagaajin lcilada, laakiin wuxuu qiray inay qaadan karto "waqti" ka hor inta aan dhammaan nidaamyada dib loo soo celin oo socon.


 

Iyadoo qaar ka mid ah adeegyada diyaaradaha ay bilaabeen inay caadi ku soo laabtaan ka dib kumannaan duullimaadyo oo la baajiyay, hawl-wadeennadu waxay filayaan in xoogaa dib u dhac ah iyo baajintu ay sii socoto illaa dhammaadka toddobaadkan.

 

Ganacsiyo badan ayaa hadda la tacaalaya dib u dhac iyo amaro seegay oo maalmo qaadan kara in la xaliyo.

 

Adeegyada caafimaadka ee Britain, Israa’iil iyo Jarmalka ayaa sidoo kale la kulmay dhibaatooyin, iyadoo qaar ka mid ah qalliinnada la joojiyay.


 

Qalalaasaha caalamiga ah waxa uu dhaliyay walaac laga qabo baylahda tignoolajiyada isku xidhan ee aduunka, iyo ilaa xad uu cilad ka mid ah software-ku ku yeelan karto saamayn baahsan.


 

Arrintu waxay bilaabatay 19:00 GMT Khamiistii, taasoo saamaysay isticmaalayaasha Windows-ka ee ku shaqeeya software-ka internetka ee CrowdStrike Falcon, sida ay sheegtay Microsoft, in kasta oo baaxadda dhibaatadu ay caddaatay subaxnimadii Jimcaha.


 

Laakin fiidnimadii jimcaha, mashaakilaadku waa ay yaraayeen meelo badan oo caalamka ah, iyada oo garoomo badan ay sheegeen in iyadoo ay wali jiraan arrimo la xiriira soo gelista iyo nidaamka lacag bixinta, inta badan duullimaadyadu hadda dib u bilowdeen.


 

Shabakadda Downdetector, oo soo ogaata boggaga laga yaabo in ay ka jiraan arrimaha teknoolojiyadda, ayaa muujiyay boggag yar oo ku yaal UK, ay la kulmeen dhibaatooyin dhammaadka maalinta

 

Maxaa sababay dhibaatadan?


 

George Kurtz, oo madax ka ah shirkadda amniga internetka ee Crowdstrike, ayaa sheegay in dhammaan khalkhalku ay dhaceen sababo la xiriira cilad ku timid casriyeynta waxyaabaha ku jira aaladaha Microsoft.


 

"Xudunta dhibaatada waa la aqoonsaday waxaana la bilaabay habka lagu xallinayo," ayuu yiri.

 

Kurtz wuxuu sheegay in nidaamyada kale ee hawlgalka aysan tani khatar gelin. Markaa kani maaha ammaan ama weerar dhanka internetka ah.

 

Maxay tahay shaqada dhab ah ee CrowdStrike?


 

Dad badan ma aysan garanayn magaca shirkadda Crowdstrike ilaa maanta. Maanta dadku waxay xaqiiqsadeen sida ay u adag tahay isku xirka qalabka dhijitaalka ah ee nolol maalmeedkeena.

 

Waa shirkad Maraykan ah oo xafiisyadeeda ku leh Austin, Texas, waana shirkad ku xiran suuqa caasimadda Maraykanka.


 

Waxaa la aasaasay 13 sano ka hor. 8500 qof ayaa ka shaqeeya shirkadan.

 

Shirkadani waxa ay ka shaqeysaa dhanka amaanka internetka. Haddii nidaamka la jabsado, shirkaddan waxaa loogu baaqayaa inay xalliso dhibaatooyinka xiga.


 

Waxa ay ka qaybqaatay dhowr baaritaan oo waaweyn oo dhanka internetka ah. Sannadkii 2014-kii, kombuyuutarrada Sony Pictures waa la jabsaday. Shirkaddan ayaa sidoo kale ku lug lahayd baaritaankaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee, hadda cusboonaysiinta software ee isla shirkadda ayaa keentay dhibaatadan weyn. Dhab ahaantii waxay sheegeen inay u tagaanyihiin inay xalliyaan dhibaatada, laakiin markan iyagaa abuuray dhibaatada.


 

Waxay haystaan wadar dhan 24000 oo macaamiil ah. Taasina waxay ku tusinaysaa dhibaatada maanta jirta sida ay u daran tahay. Sidoo kale, waa maxay dhibaatooyinka soo bixi doona si loo xalliyo.

 

Macaamiisha shirkadani ayaa waxaa ka mid ah shirkado waaweyn. Markaa way adag tahay in la sheego inta kombayuutar ee ay saamaysay.


 

Sida laga soo xigtay dadka aqoonta u leh arrintan, xalka dhibaatadani wuxuu noqon doonaa mid ka duwan qalab kasta. Sidaa darteed, waaxda IT-ga ee dhammaan shirkadaha ayaa la kulmi doona madax-xanuun badan muddada soo socota.

isha bbc/somali
     
Loading...