Booliiska Bangladesh oo Raalligelin ka Bixiyey Shacabkii ay laayeen.

Thursday August 08, 2024 - 07:39:37
hadhwanaagnews
Booliska ayaa sheegay in wax ka badan 450 saldhig boolis...



Ururka Adeegga Bilayska ee Bangladesh (BPSA) ayaa sheegay in askarta lagu khasbay inay rasaas ku furaan mudaharaadayaasha "xitaa haddii aanaan doonayn waa nagula qasbayey” waxayna ku eedeeyeen mas’uuliyiintu in ay yihiin kuwa suurad xumeeyey iyaga kolka ay noqoto bulshada horteeda.


 

"Qaranka ayaa sameeya sharciyo, waa aannu fulinaa oo kaliya. Waa inaan adeecno amarada ka imaanaya saraakiisha sarsare iyo siyaasiyiinta hadday sharci yihiin iyo hadday sharci-darro yihiin ba,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay midawga BPSA, oo matala kumannaan boolis ah oo ku baahsan Bangladesh.


 

Booliska ayaa sheegay in wax ka badan 450 saldhig boolis la weeraray Isniintii kadib markii ay is casishay ra’iisal wasaare Sheikh Hasina, waxaana sidoo kale lagu dilay tiro askar boolis ah intii ay socdeen dibadbaxyada.


 

Bayaankooda, booliisku waxay raaligelin ka bixiyeen wixii ay "ku sameeyeen ardayda aan waxba galabsan”, laakiin waxay sheegeen inay ku guda jiraan shaqo joojin ilaa "amaanka booliis kasta laga xaqiijinayo”.

     
Loading...