Booliiska Gobolka Banaadir Oo Baadhaya Ciidamo Rasaas Ku Furay Dad Shacab ah.

Monday March 04, 2024 - 07:03:07
hadhwanaag
"Cid weliba ee xabbad ku ridday Dadkii bannaanbaxayay..."



Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xidheen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.


Taliyaha ayaa tilmaamay in aanay Booliisku aqbali Karin in la dhibaateeyo Dadka rayidka ah, sidaas awgeed Hay’adaha awoodda u leh in ay baadhaan loo gacangeliyay askarta la xidhay si Maxkamad loo horgeyo qofkii kiis lagu helo.


"Cid weliba ee xabbad ku ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xidhay, Kiiskaas Baadhis ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato” sida ayuu yidhi Taliye Macalin Mahdi
     
Loading...