DEG DEG Taliska Booliiska Gobolka Sool Oo Cadeeyay Inay Gacanta ku Hayaan Eedeysanayaal

Friday September 13, 2024 - 11:35:10
hadhwanaag
Labadan Eedaysane Ayaa Waxay ku eedaysan yihiin kicin bulsho
May be an image of 2 people and text


Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Sool, isagoo ka jawaabaya amarka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Sool, wuxuu u cadaynayaa bulshada in laba eedaysane oo lagu kala magacaabo:

1. Hanad Cabdillaahi Xaaji (Ina Roda Jamaal), da’diisu waa 20 jir
2. Maxamed Axmed Jaamac (Ina Iftin Axmed), da’diisu waa 20 jir
Ay kujiraan gacanta booliiska waxaana lagu wadaa in la horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh si ay u wajahaan sharciga .

Labadan Eedaysane Ayaa Waxay ku eedaysan yihiin kicin bulsho iyo aflagaadeynta madaxda dhaqanka iyo maamulka SSC-Khaatumo, taasoo uu soo abaabulay Maamulka Argagixisada ah Ee Snm iyagoo laaluush ku qaatay falalkan.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Sool waxay soo saartay waaran soo qabasho ah oo ka dhan ah laba eedaysane oo wali baxsad ka ah gacanta laamaha amniga kuwaas oo kala ah:
1. Cumar Maxamuud Diiriye (Ina Weere)

2. Mansuur Cali Diriye
Taliska Qaybta Booliska G.sool Oo Kaashanaya Taliska Guud Ee Booliska Soomaaliyeed Iyo Booliska Caalamka Ee (Inter Pol) Ayaa Ku Howlan Soo Qabashada Labadaasi Eedaysane Oo Wali Baxsad Ka Ah Gacanta Laamaha Amniga Maamulka SSC-KHAATUMO Dhowaana Gacanta Lagu Soo Dhigi Doono Insha Allah.

Eedaysanayaashan waxaa lagu eedeeyay kicin bulsho iyo aflagaadeynta madaxda dhaqanka iyo maamulka SSC-Khaatumo, falalkan oo ay soo abaabuleen Maamulka Argagixisada ah Ee Snm , iyagoo laaluush ku qaatay kicinta bulshada iyo iska hor keenidda.

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Sool wuxuu si adag uga digayaa cid kasta oo ku lug leh ama isku dayda inay khal-khal geliso amniga caasimadda iyo deegaanka SSC-Khaatumo.

Waxay sidoo kale bulshada ogaysiinayaan in eedaysanayaashan ay ku eedaysan yihiin falal amni darro oo ka dhan ah bulshada, kuwaas oo sharciga lala tiigsan doono.
     
Loading...