Waxaa la maqlay in Jarmalka uu albaabada u furayo 250 kun oo shaqaale
Kenyan ah.
Waxaa la sheegay in 250,000 oo shaqaale Kenyan ah oo qeyb ahaan iyo
tabobar dhameystiran ay u gudbi doonaan dalka Jarmalka sida uu dhigayo
heshiiska shaqo ee ay wada gaareen dowladda Kenya iyo Jarmalka.
Waxaa la isku raacay in la dabciyo sharciyada socdaalka dalka si loo
shaqaaleysiiyo shaqaale Kenyan ah oo ka shaqeeya dhaqaalaha ugu weyn Yurub ee
Jarmalka.
Kenya ayaanan u suurta galin in ay abuurto fursado shaqo oo ay helaan
dhalinyarada xirfadleyda ah ee dalkeeda ku nool, isla markaana ay helaan dakhli
ku filan, halka Jarmalka laftigiisu lagasoo sheegayo shaqo la’aan daran.
Shan darawal oo bas ah ayaa loo diray Flensburg ee waqooyiga Jarmalka si
ay u tijaabiyaan mashruuca.
Mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee ay dowladda cusub u qaaday
dhimista tirada dadka sida sharci darrada ah ku gala dalka waxaa ka mid ah
heshiiska socdaalka oo ay la gashay dalalka kale.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu fududeynayo soo celinta dadka Kenyanka ah
ee ku nool dalka Jarmalka, iyagoo aan heysan ogolaansho sharci ah.
Arinta soo galootiga sharci darada ah ayaa dhibaato weyn ku noqotay
dowlada dalkaasi,kadib markii uu dalka Jarmalka ka bilowday dhaq-dhaqaaqa
xisbiga Alternative for Germany (AfD).
Dowladihii kala dambeeyay ee Berlin ayaa u ogolaaday tiro badan oo
magangalyo doon ah inay helaan sharciyo.
Jarmalka waxa uu qaatay 1 milyan oo qof 2015-2016 sababtoo ah tirada
badan ee muhaajiriinta ka dib dagaalka Suuriya, iyo 1.2 milyan oo reer Ukraine
ah ka dib dagaalkii Ukraine iyo Ruushka.
BBC