Dawladda Jarmarlka,ayaa Somaliland ka taageeraysa kor u qaadista adeegyada Arrimaha bulshada qaarkood,gaar ahaan biyaha beeraha iyo deegaanka.
Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Cabdillahi Xasan Adan, oo u weheliyo Md. Maxamed Xasan Saleebaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa ku marti-geliyay wefdi heer sare ah oo ka socda dalka Jarmalka, oo uu hoggaaminayo Mr. Felix Volkmar, Maareeyaha KfW ee waddamada Bariga Afrika, xarunta Wasaaradda ee Hargeysa.
Wefdigu waxay si rasmi ah ula saxeexdeen heshiis cusub Somaliland, oo ay maalgelinayso dawladda Jarmalka, si loo horumariyo qaybaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, iyo joogtaynta deegaanka. Heshiiska, oo ay saxeexeen Wasiirka Cabdillahi Xasan Adan, Wasiirka Horumarinta Beeraha, iyo wakiillada KfW, ayaa mudnaanta siin doona dhammaystirka mashruuca ballaadhinta biyaha ee Hargeysa, kaas oo kor u qaadi doona helitaanka biyo nadiif ah ee dadka deggan caasimadda.
Wasiir Maaliyadda Cabdillahi wuxuu ku ammaanay taageerada joogtada ah ee Jarmalka ee himilooyinka horumarinta Somaliland, gaar ahaan kaabayaasha biyaha, beeraha, iyo illaalinta deegaanka. "Waxaan ka mahadcelinaynaa iskaashiga Jarmalka, kaas oo si dhow ula jaanqaadaya himiladayada horumarka,” ayuu yidhi. Wasiirku wuxuu ballanqaaday inuu si taxadar leh u fuli doono oo u dhammaystirmi doono mashaariicda, isagoo ballanqaaday sida ay Somaliland ugu heellan tahay inay sii xoojiso xidhiidhka Jarmalka.
Heshiiskani wuxuu calaamad u yahay raadinta Somaliland gaadha horumar waara, isagoo ballanqaadaya saamayn isbedel leh oo ku aaddan sahayda biyaha ee caasimadda iyo mashaariicda Horumarinta ee beeraha iyo deegaanka.