Magacyada Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo La Baafinayo

Saturday September 14, 2024 - 21:30:16
Magacyada Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo La Baafinayo

Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta baafiyay 16 Xildhibaan oo ka tirsan golaha oo aan ka soo xaadirin fadhiyadii u dambeeyay ee golahaasi.

Golaha Wakiillada waxa ay sidaasi ku sheegeen warqad uu ku saxeexnaa Xoghaye ku xigeenka guud ee golaha Wakiillada Somaliland Jamaal Jaamac Jiir, warqadaasi qoraalka ah oo lagu baafinayo mudaneyaasha aan soo xaadirin.

Shir-guddoonka aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey baafinayay Xildhibaano ka tirsan golaha oo ka maqnaaday fadhiyadii golaha, kuwaasi oo baafintooda lala wadaagay warbaahintana.

Haddaba warqada liiska mudanayaasha la baafinayo ku qornaayeen oo warbaahinta loo qaybiyay, ayaa u dhignayd sidan:-



     
Loading...