Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa balanqaaday in ay madaxweynaha iyo xukuumadda si dhaw ula shaqaynayaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Dastuurku siiyay inay yihiin guurtidu La-taliyaha kowaad ee madaxweynaha ee dhinaca nabadgelyada, waxaanu xusay in aanay jirayn hagrasho.
Dhanka kale waxa uu sicad u sheegay in golaha guurtidu muddo badan fadhiyeen kuraasta golahaasi, isla markaana ay xukuuamdihi kala danbeeyay ku dhiiran waayeen inay bedelaan, ka gole ahaana ay si iskooda uga tegi waayeen.
Waxaanu sidan ka sheegay guddoomiye Saleebaan hadal uu shalay ka jeediyay hadhima-sharafeed uu ku maamusay madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Waxaanu yidhi."Guurtida haddii aanu nahay waxa aanu balanqaadaynaa in aanu idinla qabano hawsha, dastuurku waxa uu nafaraya in aanu nahay La-taliyaha kowaad ee madaxweynaha, xagga nabadgelyada, hagari jirimeyso, dantayada iyo danta Qaranka midna hagari ma soo ag-marto.”
Dhanka kale guddoomiye Saleebaan waxa uu sicad u sheegay in golaha guurtidu muddo badan fadhiyeen kuraasta golahaasi, isla markaana ay xukuuamdihi kala danbeeyay ku dhiiran waayeen inay bedelaan, ka gole ahaana ay si iskooda uga tegi waayeen.
Waxaanu yidhi."Golaha guurtidu 33 sano ayuu jooga, idinkuna naga diriweyde anaguna kursigaanu u baraney, waxaad yeelaysaan ILLAAHEY hayno wada fududeeyo hawsha, guurtida sidaasi ayaan kaga ahay wakiil.”
Gaba-gabadii waxa uu sheegay in dalka meel walba xaalad colaadeed ka oogan tahay,
Meel walba dagaal ayaa innaga oogan, anana waanu dadaaleyna idinkana waxaanu rabna inaad nagu hogaamisaan, waana waajib nasaaran, waanu ku khasbanahay wixii aad noo dirtaanba in aanu deg deg u qabano”