Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.
Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga.
Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga.
Golaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed.