Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay qorshaha Aqalka Cad ee ah in diyaarad nooca raaxada ah oo ka timid Qatar ay u adeegsan doonto diyaarada madaxweynaha Maraykanka ee Air Force One.
Trump oo Isniintii Aqalka Cad kula hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in diyaarada Qatar ay siisay tahay Hadyad, isaga oo intaas ku daray inuu noqon doono "qof nacas ah” haddii aanu aqbalin.
Laakiin War qoraal ah oo uu soo saaray, afhayeen u hadlay Qatar ayaa sheegay in aanay sax ahayn in diyaaradda loogu yeedho hadiyad.
Warkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado in Trump uu toddobaadkan booqdo Qatar, taas oo qayb ka ah safarkii ugu horreeyay ee dibadda ah oo uu ku tago markiisa labaad.
Trump ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu wax badan ka caawiyay Qatar "sanaddihii la soo dhaafay dhanka ammaanka iyo badbaadada” wuxuuna sheegay in uu ixtiraam badan u hayo hoggaanka dalka.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waxay noqon doontaa tilmaan aad u wanaagsan” haddii Qatar ay Maraykanka siiso diyaarad Boeing ah halka dawladiisu ay sii wadi doonto inay sugto laba cusub oo ay si toos ah u bixiso Boeing lafteedu. Diyaaradan ayaa keentay hadal hayn badan waxaana aad looga hadlay sharcinimadeeda.
Dastuurka Maraykanku waxa uu leeyahay qodob loo yaqaan Emoluments Clause, kaas oo xaddidaya hadiyadaha ay madaxweynayaasha Maraykanku ka aqbali karaan dawladaha shisheeye. Waxaa loo dejiyay in laga hortago in madaxda ay indhaha ku hayaan dowlado shisheeye.
Baraha bulshada, Senetarka Dimuqraadiga Adam Schiff oo laga soo doorto California ayaa soo xigtay qayb ka mid ah dastuurka Maraykanka oo sheegay in mas’uul la doortay aanu aqbali karin "hadaad kasta… noocuu doono ha ahaadee” hoggaamiyaha waddan shisheeye isaga oo aan ansixin Congress-ka.
Xildhibaan Ritchie Torres, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee New York, ayaa ugu baaqday xafiiska la xisaabtanka dowladda inuu baadhitaan ku sameeyo, isaga oo sheegay in diyaaradda ay noqon karto "hadiyaddii ugu qiimaha badnayd ee abid ay siiso madaxweyne dowlad shisheeye”.
Laakiin waxaa jirtay dhaleeceyn, sidoo kale, ka timid qaar ka mid ah taageerayaasha aadka u adag ee Trump. Podcaster Daily Wire Ben Shapiro ayaa heshiiska diyaaradda Isniintii ku tilmaamay "mid xun”.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay Axadii in "hadyad kasta oo ay bixiso dowlad shisheeye mar walba waa la aqbalaa iyada oo si buuxda u raacaysa dhammaan sharciyada lagu dabaqi karo. Maamulka Madaxweyne Trump waxaa ka go’an daah-furnaan buuxda”.
Kooxda Aqalka Cad ee hadda waxa ka mid ah laba diyaaradood oo Boeing 747-200B ah oo loo habeeyey isticmaalka madaxweynaha oo wata qalab isgaadhsiineed oo gaar ah iyo astaamo ay ka mid yihiin qol dawladeed, xafiis iyo qolka shirarka. Diyaaradahan ayaa la isticmaalayey ilaa 1990 iyo 1991kii.
Qatar ayaa la sheegay inay bixinayso nooc ka mid ah Boeing 747-8, oo ah nooc aad uga cusub oo ABC News ay sheegtay in loo cusboonaysiiyay sidii "qasri duulaya”.
Diyaaradda, ayaa lagu soo waramayaa inay qiimaheeda ku dhowdahay $400m (£303m), diyaar uma noqon doonto in la isticmaalo isla markiiba haddii la siiyo Maraykanka, sababtoo ah waxay u baahan tahay in dib u habeyn lagu sameeyo oo ay nadiifiyaan saraakiisha ammaanka.
Boeing ayaa horey qandaraas loogu siiyay inay si toos ah u siiso Aqalka Cad laba 747-8s si toos ah, laakiin Trump wuxuu ka cawday horaantii sanadkan in shirkadu ay dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay.
Qatar – oo ah dal uu muddo dheer xidhiidh wanaagsan la lahaa Trump – ayaa sidoo kale horey diyaarado gaar ah hadiyad ahaan ugu siisay dalal kale oo uu Turkiga ka mid yahay.