Hindiya oo amar dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha kadib shilkii dhawaan dhacay

Tuesday July 15, 2025 - 11:18:31
hadhwanaagnews
Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay



Hay’adda duulista hawada ee Hindiya, ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha inay baaritaan ku sameeyaan badhamada shidaalka ee diyaaradaha rakaabka ah ee Boeing ee laga diiwaangeliyay gudaha dalka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii warbixin laga soo saaray shil ay gashay diyaarad ay laheyd shirkadda Air India oo dhacay bishii hore, kaasoo lagu ogaaday in furayaasha shidaalka ee labada matoor ee diyaaradda isku mar ah laga wareejiyay booskii xirnaashiyaha,daqiiqado kadib markii ay duushay.

 

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay inay qaadi doonto tallaabo la mid ah tan Hindiya, inkasta oo shirkadda Boeing iyo Hay’adda Duulista Rayidka ee Mareykanka ee (FAA) ay dhawaan sheegeen in furayaashaas ay ammaan yihiin.

 

Shilka diyaaradda Air India ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 260 qof, iyadoo hsilkaasi uu noqday mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee taariikhda duulista.

     
Loading...