HADHWANAAGNEWS
Dhowr sano ka hor, mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee OTT-ga (streaming platforms) ayaa si lama filaan ah u sheegay in cadowgooda ugu weyn uusan ahayn shirkad kale. Markii la weydiiyay cidda uu yahay, jawaabtu waxay noqotay: "Hurdada.”
Qaar baa qoslay. Sidee bay suurtagal u tahay in la xakameeyo hurdada dadka? Laakiin marka la eego waxa maanta ka socda baraha bulshada, su’aashaas jawaabteedu way caddaanaysaa.
Reels-ka iyo posts-ka caanka noqday ee leh "2 a.m relatable” iyo "3 a.m mood” ma aha wax iska yimid. Dhaqankan wuxuu si xoog leh u faafay kaddib COVID-19, xilli ay nolosha dijitaalku si buuxda u qabsatay dhalinyarada. Waxa caadi noqotay in hurdada daahdo, habeenkuna noqdo waqtiga ugu firfircoon ee isticmaalka taleefannada iyo baraha bulshada.
Haddii la is weydiiyo waqtiga hurdada maanta, dhalinyaro badan waxay kuu sheegayaan 12:00 ilaa 1:00 habeenimo. Ka hor xilligan, hurdadu inta badan waxay ahayd 10:00 ilaa 10:30 fiidnimo. Isbeddelkan ma aha mid fudud. Waa laba saacadood oo nolol ah oo si joogto ah looga wareejiyay hurdada una wareegay shaashado.
Warbixino cilmi-baaris iyo falanqeyn warbaahineed ayaa muujinaya in shirkadaha dijitaalka ahi ay si toos ah ugu tartamayaan waqtiga feejignaanta (attention economy), halka hurdadu noqotay caqabadda ugu weyn. Markii hurdadu yaraato, isticmaalka app-yada wuu kordhaa; marka isticmaalka kordho, xayeysiinta, xog ururinta, iyo faa’iidada ganacsi way korodhaa.
Sidaas darteed, su’aashu ma aha oo keliya "yaa guulaysanaya?”, balse waa maxaa naga lumaya?
Hurdo yaraantu waxay saameyneysaa maskaxda, waxbarashada, go’aan-qaadashada, iyo caafimaadka guud ee jiilka cusub. Bulsho daallan oo aan nasan waa bulsho sahlan in la maamulo.
Ma aha arrin shirqool fudud, balse waa nidaam dhaqaale oo si aamusnaan ah u shaqeynaya. Markii hurdadu noqoto wax lagu qoslo ama lagu faano, ciddii ka faa’iidaysanaysa waa caddahay.
Su’aasha dhabta ah waa ma annagaa xakameynayna waqtigeenna, mise waqtigeenna ayaa nalagu xukumayaa?
✍️Mohamett Diine
#NalaguMaamulaa #HurdadaIyoTiknoolajiyadda #AttentionEconomy #Dhalinyarada #BarahaBulshada #Wacyigelin #DigitalLife #MustaqbalkaDhalinyarada
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!