Baadheyaasha ku mashquulsan ogaanshaha cilladihii keenay burburka diyaaraddii Air India ee 12-kii Juune sanadkan 2025-ka ku dhacday magaalada Axmedabad ee dalka Hindiya, ayaa helay caddeymo horudhac ah oo la xidhiidha sababtii keentay shilka.
Diyaaraddan oo nuuceedu ahaa 787 Dreamliner, islamarkaana ay saarnaayeen dad ka badan 240 qof, ayaa soo dhacday ilbiriqsiyo ka dib markii ay ka kacday garoonka magaalada Axmedabad, waxaana halkaas ku naf waayey dhammaan rakaabkii saarnaa, marka laga reebo 1 nin oo si layaab leh ku bedbaadey.
Baadheyaashu waxay ogaadeen in markii ay diyaaraddu dhulka cagaha ka qaaddayba uu is damiyey furaha laga maamulo qulqulka shidaalka diyaaradda, taas oo kalliftay in matoorradu diyaaraddu aqsoobaan, sidaasna ay ku dameen.
Cod uu duubay sanduuqa madow ee kaydiya xogta wax kasto oo ay ku wada hadlaan duuliyeyaasha diyaaradda ayaa duubay mid ka mid ah duuliyeyaasha oo wadaygiisa weydiinaya sababta uu u damiyey qulqulka shidaalka diyaaradda, taas oo qofka su’aasha la weydiiyey ku jawaabayo in aanu damin. Cod duubuhu ma kala caddeyn sida cododkan loo kala leeyahay. Waxaase la og yahay in markii diyaaraddu kacaysey uu shukaanta hayey la-duuliyahu, Halak Kaptankuna uu hubinayey habka duullimaadka diyaaradda.
Sida ka muuqata xogta la duubay, fureyaasha shidaalka ayaa mar kale la daara, waxaana si iskiisa dib ugu shidmay mid ka mmid ah matoorrada diyaaradda oo sida xogta ka muuqata si buuxda u shaqeynayey markii diyaaraddu dhaceysey, halka kan kalena uu shidmay laakiin aanu weli helin itaal uu ku qaado diyaaradda.
Duullimaadka Air India ee lambarkiisu ahaa171wuxuu hawada ku jirey in ka yar 40 ilbirisi ka hor intii aanu ku soo dul dhicin xaafad isku raran ah oo ku taal magaalada Axmedabad ee dhacda galbeedka Hindiya. Wuxuuna shilkaas noqday mid ka mid ah masiibooyinkii diyaaradeed ee ugu xumaa ee dalkaas soo mara ayn ku naf waayeen 260 qof oo isugu jiray rakaabkii iyo dad dhulka joogay.
Baadheyaasha shilkan diyaaradeed oo weli jarribaya burburka diyaaradda iyo xogaha laga duubay wixii ka dhex dhacay diyaaradda shirkeeda ilbiriqsiyadii ay hawada ku jirtey, ayaa ogaadey in diyaaraddu sare u kacday 625 cagood, ka dibna ay halhaleel u hoobatay ka hor intii aanay afka dhulka la gelin ilbirisigii 50-aad ee duulisteeda.
Baadhitaankan oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiin Hindi ah, waxaa sidoo kale qayb ka ah wakiillo ka socda shirkadda Air India, hay’adda duulista hawada ee Hindiya, shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing iyo shirkadda matoorka diyaaradda sameysay ee General Electric, ku waas oo dhammaantood jawaabo u raadinaya wixii ka qaldamay duullimadkii 171.
Baadheyaashu waxay intaas ku dareen in gaanjada laga maamulo shidaalka oo ah carrab kor ama hoos marba dhankii la rabo loo geddiyo uu sidoo kale leeyahay dabool lagu gambiyo ka dib marka la furo ama la xiro, si loo xaqiijiyo in gacantu aanay si lamafilaan ah ugu dhicin. Hannaankan lagu sugayo amniga qulqulka shidaalka u kala goosha haamaha iyo matoorka oo ah mid soo jirey tan iyo 1950-meeyadii, ayaa ah mid la isku halleyn karo.
"Macquul ma aha in labada furaba si kedis ah isku mar hal gacan ugu dhacdo. Waana sababta loo kala duwey Meesha ay ku yaallaan iyo masaafada ay isku jiraan,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka aqoonta u leh arrintan oo BBC-da u warramay isagoo diidey in la magacdhabo.
Haddii ay dhaboobaan caddeymaha horudhaca ah ee tibaaxaya in diyaaradda Air India ay shidaalka goosatay waxyar ka dib marki ayi kacday, waxaa caddaaneysa in gacan bini’aadam ay ka dambeysey shilkan. Gaar ahaan waxaa la tuhmayaa in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddu uu mas’uul ka ahaa daminta furaha shidaalka kas iyo kama’ mid ay noqotaba.
"Haddii mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddu uu mas’uul ka ahaa daminta furaha shidaalka quudiya matoorka, kas ama kama’, waxay su’aashu tahay maxaa ku kallifay habacsanaanta intaas le’eg,” ayuu is weydiiyey Shawn Pruchnicki oo ah baadhe hore oo ku xeeldheer shilalka diyaaradaha, haddana ka tirsan khuburada duulista hawada ee jaamacadda Ohio State.
Shawn Pruchnicki oo sii hadlayey ayaa meesha ka saaray in si kama’ ah wax ku dhaceen, marka la eego inta tillaabo ee u baahan in giijiyo marka ay timaado sugidda amniga duullimaadka.
"Ma kasbay ahayd mise khalad ka dhashay isku dhexyaac? Taasi iima muuqato, duuliyeyaashuna ma soo warin wax kharul caadi ah oo soo wajahay. Xaaladaha degdegga ah qaarkood wey dhici kartaa in duuliye taabto badhan khalad ah ama uu amar khaldan bixiyo, laakiin halkaan waxaasoo dhan kama muuqdaan. Iskaba daa in fureyaasha shidaalka si kutalogal la’aan ah loo damiyey.
Isku soo duuboo khaladaadka caynkan ah sida badan kama dhacaan diyaaradaha dhexdooda”, ayuu BBC-da u sheegay Pruchnicki.